Maraykanka iyo Venezuela oo Heshiis Saliideed oo Ballaaran Gaadhay

Saturday August 29, 2026 - 15:06:58
hadhwanaagnews
Rodríguez ayaa sheegtay in heshiisku saamayn weyn ku yeelan...



Caalamka (Hadhwanaagnews.com): Maraykanka ayaa heshiis la galay dowladda Venezuela, kaas oo la sheegay inuu Washington siinayo maamulka qayb ka mid ah kaydka saliidda ee dalka Venezuela, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

 

Trump ayaa qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada ku tilmaamay heshiiska "heshiiskii shidaal ee ugu weynaa taariikhda dunida”, isaga oo sheegay in heshiisku gacan ka geysan doono hoos u dhigidda qiimaha shidaalka iyo gaaska laga isticmaalo Maraykanka.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Venezuela, Delcy Rodríguez, ayaa taageertay heshiiska, iyadoo ku tilmaantay "heshiis taariikhi ah”.

 

Rodríguez ayaa sheegtay in heshiisku saamayn weyn ku yeelan karo soo kabashada dhaqaalaha Venezuela, isla markaana uu dalka u horseedi karo in ka badan 100 bilyan oo dollar oo maalgashi ah iyo in ka badan 209 bilyan oo dollar oo dakhli canshuureed ah.

 

Ku dhawaaqista heshiiskan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iiraan ay saamayn ku yeelatay isu-socodka shidaalka caalamka, iyadoo qiimaha shidaalkuna noqday arrin siyaasadeed oo xasaasi ah oo hortaalla Madaxweyne Trump.

 

Arrintan ayaa sidoo kale imanaysa iyadoo ay soo dhowaanayso doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka, oo la filayo inay qabsoonto bisha November, taas oo qiimaha shidaalka iyo xaaladda dhaqaalaha ay noqon karaan arrimo muhiim u ah codbixiyayaasha.

     
Loading...