Xukuumada oo Amar Cusub ka soo Saartay Maamulka Hawadda Somaliland

Monday November 03, 2025 - 12:08:27
hadhwanaagnews
Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland waxa ay sidaasi



Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay shaacisay amar cusub oo ku saabsan maamulka iyo nidaamka hawada dalka, iyada oo sheegtay in aanay hawada Somaliland soo geli karin wax diyaarad ah oo aan haysan fasax rasmi ah oo ay bixisay xukuumadda Somaliland.

Sida lagu sheegaywar-murtiyeed rasmi ahoo ay soo saartay Wasaaraddu, waxa la faray dhammaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee isticmaala hawada Somaliland in ay si buuxda u raacaan xeerarka iyo nidaamka cusub ee lagu maamulayo duulimaadyada.

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada ayaa sidoo kale soo bandhigtay nidaamka iyo shuruudaha looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan ee doonaya in ay hawada Somaliland maraan ama ka duulaan garoomadeeda.

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland waxa ay sidaasi ku sheegtay warmurtiyeed ay soo saartay kaas oo u qornaa sidan:-

"Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo saartay amar cusub oo dhaqan gelaya 10-ka bishan Noofambar 2025, kaas oo jidaynaya islamarkaana faraya dhammaan diyaaradaha rayidka ah, kuwa ganacsiga, jidwalka qorshaysan ku yimaada iyo kuwa aan jadwalka lahayn inay helaan ogolaansho hore ka hor inta aanay soo gelin gelin ama marin hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan oo waafaqsan Heshiiskii Chicago ee 1944kii, waxa uu bayaaminayaa madaxbannaanida buuxda ee Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeedaba.

Waxyaabaha ku jira awaamiirta cusub ee Wasaaradda Duulistu soo saartay waxa ka mid ah:

In la hubiyo amniga iyo nidaamka duulista, iyadoo la dabacayo heerarka Hay’adda ICAO.

In la xoojiyo maareynta taraafikada hawada, saadaasha iyo macluumaadka duulista.

In la hagaajiyo gurmadka degdegga ah, farsamada degitaanka iyo hawlaha garoomada Hargeysa iyo Berbera.

Wasaaradda Duulistu waxay digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada JSL, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay duulista ammaan ah iyo wada-shaqayn caalami ah oo ay la yeelanayso shirkadaha diyaaradaha iyo dalalka diyaaradahoodu yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland.”

     
Loading...