De Facto Recognition Somaliland.

Monday December 15, 2025 - 15:55:51
HADHWANAAGNEWS
Ayuu Dalka Maraykanka Somaliland u Aqoonsamayaa ?





*Su'aalo:
Somaliland ictiraaf buuxa ayay u baahan tahay.

Somaliland ma yeelaysaa heshiiskaas jilicsan?

Somaliland maxay ku bedelanaysaa heshiiska dekedii Berbera iyo Airport kii Berbera in gacanta loo geliyo ciidamadii Maraykanka?

Waa maxay faa'iidada ay ka helaysaa heshiiskan Somaliland?

Waa maxay khatara ku jira heshiiskan?

Heshiiskanu waa mid nooceeya?

Xaalada Bada Cas hadii isbedel ku yimaado heshiiskanu ma jirayaa?.


Waa daliraasad ku dhisan, oo si xeel dheer u falanqaynaya de facto recognition.

Danaha Maraykanka, iyo waxa ay Somaliland ka faa’iidi karto.

iyo khataraha ku jira haddii aan si caqli leh loo maamulin:

De Facto Recognition: Fursad Taariikhi ah mise Dabin Debecsan?

Maalmahan waxa isa soo taraya hadal ku saabsan in Maraykanku doonaayo inuu Somaliland u aqoonsado de facto recognition,

isla markaana uu dano amni iyo istiraatiiji ah ka raadsanayo dekedda Berbera iyo garoonka diyaaradaha Berbera.

Arrintani waa atrin weyn,
balse khatarteedu la mid tahay fursaddeeda,
haddii aan si qoto dheer loo fahmin oo looga fiirsan.

Waa Maxay De Facto Recognition?

De facto recognition waa aqoonsi ficil ah, balse aan ahayn aqoonsi sharci oo buuxa.
Waxay ka dhigan tahay:

in dal weyn kula macaamilo,

heshiisyo kula galo,

saldhigyo ama adeegyo ka faa’iidaysto,

laakiin uusan dammaanad qaadin jiritaankaaga mustaqbalka.

Taariikh ahaan,
dalal badan ayaa de facto loo aqoonsaday,
balse markii danaha quwadaha waaweyni is beddeleen,

waa laga tegey,
waa la illaaway, ama xitaa waa la iska diiday in mar danbe lala hadlo.

Maxaa Maraykanka Uga Baahan yahay Somaliland Maanta?

Maanta, Badda Cas iyo marin-biyoodka
Bab al-Mandab waa goob kacsan oo muhiim caalamka u ah ganacsigiisa:

Xiisado caalami ah ayaa ka jira iyo cadaawad iyo tartan,

tartan quwado waaweyn iyo loolan,

amni-darro badeed,

iyo loollan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Ameerika, Shiinaha, Ruushka, Turkiga
iyo kuwo kale.


Somaliland waxay ku taallaa meel dahab ah,
juquraafi ahaan iyo amni ahaanba.

Berbera waa deked xasiloon oo u dhow marin-biyood caalami ah. Garoonkeeduna waa mid istiraatiiji ah.

Laakiin hal su’aal ayaa aasaasi ah:

*Ma danaha Maraykanka bay u baahan Somaliland in ay u fuliso,

Ma Maraykan baa Somaliland u baahan?

mise Somaliland baa u baahan Maraykanka?

Jawaabta maanta: Maraykanka ayaa u baahan Somaliland.

Somaliland nabad Maraykanka way u baahan tahay.

Laakiin taasi ma aha mid weligeed sii jiri doonta.

Marka Xaaladdu Is Beddesho, Maxaa Dhici Doona?

Taariikhdu waa marag:

Maraykanku saaxiib ma laha, liikiin
waa raacaa danihiisa.

Marka duruufuhu is beddelaan, heshiisyada jilicsan waa la jebin karaa.

Dal aan aqoonsi buuxa haysan,
cod sharci ahna lahayn,

wuxuu noqon karaa mid la isticmaalay kadibna la tuuro.

*Haddii Somaliland ku ekaato de facto recognition oo aan wax shuruud adag ah ku xidhin:

Maraykanku wuu isticmaali karaa Berbera,

wuxuu ka tegi karaa goorta uu doono,

Somalilandna waxay ku noqonaysaa sidii ay ahayd,
ama si ka sii liidata.


Haddaba Maxay Somaliland tahay in ay Ku Xidho Maraykanka?

Halkan waa meesha ay taallo xikmadda siyaasadeed.

*Somaliland waa inay si cad u sheegtaa:

1. Aqoonsi buuxa (de jure recognition) ha noqdo ujeeddada kama dambaysta ah.

2. Isticmaalka dekedda Berbera iyo Airport-keeda:

waa in lagu xidhaa jadwal siyaasadeed,

tallaabooyin cad-cad,

iyo dammaanad sharci oo caalami ah.

3. Heshiiska ciidan:

waa inuu noqdaa SOFA (Status of Forces Agreement) oo qeexaya:

cidda masuulka ah,

xadka awoodda ciidanka shisheeye,

iyo xuquuqda Somaliland.

*Heshiis ciidan oo aan si cad loo qayixin:

wuxuu noqon karaa khatar madax-bannaanida,

wuxuu abuuri karaa colaad derisnimo,

Wuxuu samayn karaa faragelin arimaha Gudaha ee Somaliland,

wuxuuna dhaawici karaa sumcadda Somaliland.


Maanta Ma Jirtaa Fursad Dahabi ah?

Haa;
maanta ayay Somaliland fursaddii ugu weynayd haysataa tan iyo 1991.

Laakiin fursaddu:

ma aha hadal,

ma aha sawirro,

ma aha booqashooyin kaliya.

Fursaddu waa xeelad, dulqaad, iyo gorgortan adag dag oo siyaasadeed.

Waa in aanay Somaliland ku dhicin ilduuf siyaasadeed.

Somaliland waxa lagu yaqaanay ilduuf siyaasadeed.

Haddii Somaliland ku degdegto:

waxay heli doontaa ballanqaadyo jilicsan oo qurx baahan.

Haddii ay si caqli leh u gorgortanto:

waxay kasban kartaa aqoonsi taariikhi ah oo ay heli kartaa.


*Gunaanad:

De facto recognition waa albaab:

laakiin ma aha guriga la degayo.
(Meesha loo socdo).

Haddii Somaliland ku qanacdo:

isticmaal,

ballan,

iyo dano ku-meel
-gaadh ah,

waxay halis ugu jirtaa in mar kale la yidhaahdo:
" muhiim ayaaald noo ahaydeen waagii hore

maanta-se maya idiinma baahnin oo waan idinka maaranay”

Somaliland maanta waxa ay haysataa wax ay dunida oo dhammi rabto.

Taasi waa awood.

Awooddana waa in si xikmad leh loo adeegsadaa oo looga faa'iidaystaa.

Aqoonsi buuxa ha noqdo shuruud,

Berberana ha noqoto furaha-
not hadiyadda bilaash ah yaabay Berberi noqonin.



Diraasad: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...