hadhwanaagnews
Shirweynaha Maalgashiga Somaliland ee ka socda Caasimadda Hargeysa waxa uu noqday madal lagu soo bandhigay fursado dhaqaale, fikrado hal-abuur leh, iyo aragtiyo cusub oo lagu xoojinayo koboca dhaqaalaha dalka. Mid ka mid ah dood-wadaagyadii ugu xiisaha badnaa waxa uu diirradda saaray mawduuca: "Isugaynta Awoodda Dhaqaale ee qaranka iyo bulshada si loogu maalgaliyo Somaliland.”
Dooddan muhiimka ah ayaa soo jiidatay maalgashadayaal, aqoonyahanno, iyo ganacsato ka kala socday dalal badan, kuwaas oo si wada-jir ah u falanqeeyay sida loo mideyn karo hantida, kartida, iyo hal-abuurka bulshada reer Somaliland ee dunida daafaheeda ku kala nool si ay door muuqda uga qaataan maalgelinta iyo horumarinta Somaliland.
Waxaa si cad loo muujiyay in reer Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, ay haystaan awood dhaqaale iyo xirfado ganacsi oo la taaban karo, kuwaas oo haddii la mideeyo, ay noqon karaan cudud dhaqaale oo awood u leh in ay maalgeliso mashaariic waaweyn oo gudaha dalka ah laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa warshadaha wax-soo-saarka.
Falanqaynta iyo dood-wadaaggii madashadu waxay tilmaantay in maalgashiga gudaha iyo kuwa qurba-joogta ah ee reer Somaliland ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaadhi karo horumar waara. Waxaa la isku raacay in loo baahan yahay hannaan daahfuran oo la isugu keeno maalgeliyayaasha Somaliland, laguna abuuro jawi lagu kalsoonaan karo oo dhiirrigeliya iskaashi, hufnaan, iyo isla-xisaabtan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hore u sheegay in Xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso abuurista jawi maalgashi oo hufan iyo dhiirrigelinta iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership). Dooddan ayaa si dhab ah u muujisay sida aragtidaasi u noqotay mid dhab ahaan lagu dhaqmay.
Waxa sidoo kale lagu xusay in Somaliland ay leedahay faa’iidooyin tartan leh oo ay ka mid yihiin amni, xasillooni siyaasadeed, sharciyo maalgashi oo fudud, iyo bulsho soo dhawayn leh, kuwaas oo dhammaantood siin kara kalsooni maalgashadayaasha reer Somaliland iyo kuwa caalamka.
Gabagabadii, doodda ku saabsan "Isugaynta Awoodda Dhaqaale ee Somaliland” waxay ahayd baaq mideysan oo loogu yeedhay qurbajooga firfircoon ee reer Somaliland si ay u noqdaan laf-dhabarta maalgelinta iyo koboca Somaliland.