Somaliland Illaahay ayaa ku Manaystay Hodantinimada Nooc Kasta oo ay Tahay"

Monday November 03, 2025 - 11:59:16
hadhwanaagnews
"Somaliland waa dal qani ah oo Ilaahay ku manaystay noocyadda



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal qani ah oo uu Ilaahay ku manaystay noocyo kala duwan oo hodantinimo iyo kheyraad dabiici ah, kuwaas oo dhammaantood ah fursad ballaadhan oo fure u noqonaya maalgashi iyo hoarumarka dhaqaale ee qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, isagoo ka hadlayey daahfurka shirwaynaha caalamiga ah ee maalgashiga Somaliland oo shalay ka furmay Hargeysa, madashaas oo lagaga doodayey fursadaha maalgashiga iyo mustaqbalka dhaqaalaha Somaliland, Guddoomiyuhu waxa uu si cad u sheegay in Somaliland ay leedahay waxyaabo badan oo ay waddamo badan ku horumareen ama ku noqdeen dalal dhaqaale ahaan xooggan.

"Somaliland waa dal qani ah oo Ilaahay ku manaystay noocyadda hodantinimada ee waddamadu ay qaniga ku noqdaan qaniga ama ku horumaraan, sida saliidda, macdanta, xoogga dhalinyarada, nabadgalyada, shuruucda, iyo dhammaan waxyaabihii fududeynayay maalgashi ballaadhan oo laga hirgeliyo Somaliland, taas oo muhiimad istaraatiiji ah u leh dalka iyo guud ahaan Geeska Afrika,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay muddo dheer haysatay furayaasha maalgashiga kuwaas oo ay ka mid yihiin nabadda, nidaamka dawladnimo ee xasilloon, iyo sharciyo cad oo u fududaynaya ganacsiga iyo maalgashiga gaarka loo leeyahay. Waxaanu yidhi "Somaliland fursaddaha ay haysataa way badan tahay, muddo dheerna waxay haysatay furihii maalgashiga.”

Mudane Xirsi waxa uu intaas ku daray in ay Somaliland ay leedahay jawi siyaasadeed iyo amni oo xasiloon, kaas oo saamaxaya koboca dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba. Waxaanu yidhi "Jawi xasiloon oo saamaxaya maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha ayaynu haysanaa. Hadday tahay dawladnimadii, xasiloonidii iyo amnigii guud, shuruucdii maalgashiga iyo dhaqaalaha, iyo dhammaan waxyaabihii sahlayay maalgashadiga. Fursadahaas dhammaantood way haysataa Jamhuuriyaddas Somaliland.”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo maalgashadayaasha Somaliland iyo kuwa caalamka in ay ka faa’iidaystaan fursadahaas, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta dhaqaalaha Somaliland iyo kobcinta nolosha bulshada.

     
Loading...