Qiimaha Midnimada iyo Wadajir Bulshada: Farriintii Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Monday August 11, 2025 - 17:38:14
hadhwanaag
Hadalka uu jeediyay Wasiir Axmed-Yaasiin maaha oo kaliya baaq iyo digniin s


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan wadajir, feejignaan, iyo isku-duubni qaran. Wasiirka ayaa si cad u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in si mideysan loo difaaco qaranimada Somaliland, lagana fogaado khilaafaadka siyaasadeed iyo kala shakiga, maadaama ay jiraan cadaadisyo dibadeed iyo kuwo xuduudeed oo soo kordhaya, kuwaas oo u baahan iskaashi iyo hal-adayg qaran.

Hadalka uu jeediyay Wasiir Axmed-Yaasiin maaha oo kaliya baaq iyo digniin siyaasadeed, balse waa xusuusin taariikheed oo ku saabsan xaqiiqda ah in qaran kasta uu xooggiisu ka yimaaddo wadajirka iyo go’aanka mideysan ee dadkiisa. Taariikhda Somaliland ayaa marar badan caddeysay in midnimada, wadajirka shacabka iyo xukuumaddu tahay udub-dhexaadka guulaha waaweyn ee ay gaadhay—hadday tahay sugidda nabadda, ilaalinta xasilloonida, dhisidda hay’adaha dimuqraadiyadeed, iyo difaaca madax-bannaanida iyo xuduudaheeda. Midnimadaas oo ah midda xaqiijisay in cadaadis dibadeed oo kastaa aanu awoodin in uu wiiqo himilada iyo jiritaanka qaranka JSL.

Baaqan Wasiirka Warfaafinta ayaa imanaya xilli Somaliland ay ku jirto marxalad istiraatiiji ah oo xasaasi ah, halkaas oo midnimadu tahay tiirka ugu weyn ee difaaca qarannimada, isla markaana ay tahay hubka ugu waxtarka badan ee lagu wajahayo caqabadaha siyaasadeed, amni, iyo diblomaasiyadeed ee ka aloosan gobolka Geeska Afrika.

 

Wasiir Axmed-Yaasiin ayaa hoosta ka xarriiqay in wacyiga shacabka, midnimada bulshada, iyo iskaashiga hay’adaha dawliga ahi yihiin furayaasha guusha, isaga oo ku boorriyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay ka shaqeeyaan ilaalinta xasiloonida iyo wadajirka qaranka.

Farriinta Wasiirku waxay ku saabsan tahay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo kala shakiga bulshadu ay yihiin godka ugu weyn ee ay cadawga dibadeed iyo kuwa xuduudeed ka geli karaan khal-khal-gelinta amniga iyo qarannimada. Midnimada siyaasadeed iyo wadajirka bulsho waa difaac istiraatiiji ah oo ka hortagaya isku day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida Somaliland.

Feejignaantu micnaheedu maaha oo kaliya in la ogaado xaaladda, balse waa in si firfircoon loo difaaco xaqiiqda iyo qarannimada Somaliland, isla markaana si hufan loo fashiliyo wararka marin-habaabinta ah, loona xoojiyo aragtida mideysan ee bulshada. Taasi waa farriinta wasiirku si cad ugu gudbiyay shacabka, midnimada Somaliland maaha ikhtiyaar ee waa waajib qaran oo ah shuruudda xaqiijinaysa jiritaankeena.

Baaqan ayaa ah mid mid mudan in lagu bogaadiyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, taas oo ah mid si cad u muujinaysa hoggaamintiisa iyo aragtidiisa qaranimo ee xoogan. Waa farriin xambaarsan kalsooni, waddaniyad, iyo himilo qaran, taas oo u sheegaysa beesha caalamka in Somaliland ay tahay qaran fahamsan khataraha horyaalla, isla markaana ay ka go’antahay inuu ilaashado nabaddiisa iyo xasiloonidiisa, sidoo kale baaqa wasiirka ayaa iftiiminaya in Somaliland ay tahay qaran u diyaarsan inuu hal saf isu-taago marka cadaadis yimaaddo. Taariikhdu waxay markhaati ka noqon doontaa hoggaanka iyo feejignaanta xukuumaddas maanta jirta.

Sidoo kale, hadalka wasiirka ayaa waxa kale oo uu miiska saarayaa kaalinta ay warbaahinta ku leedahyay arrimaha amniga qaran. Xilli ay jiraan dagaalo xoogan oo ku salaysan warar been abuur ah, marin-habaabinta macluumaadka, iyo ololeyaal maskax-dagaal ah, iyada oo loo baahan yahay wakhti-xaadirkan in warbaahinta maxaliga ahi ay si firfircoon uga ka qayb qaadato difaacidda runta iyo fashilinta sheekooyinka lagu carqaladeynayo xasiloonida JSL.

Dhinaca kale, Wasiirka Mudane Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa si cad u muujiyay taageerada buuxda ee hadalkii muhiimka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka soo baxay aaskii qaran ee loogu sameeyay labada marxuum ee dhawaan lagu dilay magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkii Madaxweynihii hore uu ahaa digniin dhab ah oo ka turjumaysa khatarta hadda lagu jiro, gaar ahaan khatarta ka dhalan karta kala shakiga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha. Sidoo kale Wasiir Axmed-Yaasiin ayaa sheegay in la joogo waqtigii dareenka qaranimo loo beddeli lahaa ficil.

     
Loading...