Somaliland: Maamul Daadejinta Adeegyada Dawladda iyo Hirgelinta Nidaam Qarannimo oo loo Simanyahay

Saturday August 23, 2025 - 14:04:37
hadhwanaagnews
Waxa si gaar ah u mudan in la xuso adeegyada laga hirgelinayo Burco



Hindisaha cusub ee maamul-daadejinta adeegyada dawladeed ee uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ka daah-furay magaalada Burco, ayaa astaan u ah in waddanku uu galay marxalad cusub oo horumarineed iyo hannaan hufan oo ku dhisan maamul-daadejin dhab ah. Tallaabadan waxay muujinaysaa dadaal muuqda oo lagu xoojinayo nidaam dawladnimo oo loo siman yahay, kaas oo adeegyada dawladeed si toos ah u gaadhsiinaya shacabka meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxmaed Cabdillaahi Cirro ayaa hoggaaminaya hirgelinta qorshahan istaraatijiyadeed, oo loogu talagalay in adeegyada aasaasiga ah ee dawladda, sida baasaboorka, kaadhka dhalashada, liisanka baabuurta, ruqsadaha ganacsiga iyo shahaadooyinka waxbarasho, si dhow loogu gaadhsiiyo bulshada ku dhaqan gobollada bari. Arrintani waxay meesha ka saaraysaa baahida safarkii dheeraa ee hore loogu mari-jiray si loo helo adeegyo dawladeed, kuwaas oo inta badan laga heli jiray kaliya caasimadda Hargeysa.

Waxa si gaar ah u mudan in la xuso adeegyada laga hirgelinayo Burco, kuwaas oo kala ah: baasaboorka, kaadhka dhalashada, liisanka darawalnimada, ruqsadaha ganacsi iyo shahaadooyinka waxbarasho. Tani waxay tilmaan u tahay isku day dawladeed oo dhab ah oo lagu doonayo in la ballaadhiyo sinnaanta muwaadiniinta ee helitaanka adeegyada danta guud.

Marka loo eego aragtida dawlad-wanaagga (good governance), hindisahan wuxuu si toos ah u taabanayaa tiirar muhiim ah oo ay ka mid yihiin hufnaanta maamulka, ka qaybgalka shacabka, yareynta sinnaan la’aanta adeegyada, iyo kharash dhimista bulsho ahaan. In maamul-daadejin dhab lagu sameeyo adeegyada dawladeed waa qaab wax ku ool ah oo lagu gaadhayo isu dhawaanshaha maamulka iyo shacabka (proximity governance), waxaana ay kor u qaadaysaa kalsoonida dadweynaha ee nidaamka dawladnimo.

Dhinaca kale, hindisahan maamul-daadejinta ee uu daahfuray Madaxweynaha Somaliland waa tallaabo muhiim u ah fulinta mas’uuliyadda culus ee hay’addaha dawladeed ee heer gobol. Madaxweynaha oo arrintan si qoto dheer uga hadlay, waxa uu si cad u muujiyey in hawlwadeennada la filayo in ay noqdaan kuwo xirfad leh, daacad ah, isla markaana dadku ay ku arkaan wejiga ugu wanaagsan ee dawladnimada.

Haddii si dhab ah loo hirgeliyo, hindisahan wuxuu noqon karaa tusaale ku dayasho mudan oo ay casharo ka baran karaan guud ahaan waddamada Geeska Afrika. Somaliland waxay muujinaysaa in dawladnimadu aanay ku koobnayn caasimad, balse ay tahay adeeg gaadha xuduudaha dalka oo dhan.

Waxaa la gudboon bulshooyinka kale iyo hay’adaha caalamiga ah in ay si dhow ula socdaan talaabooyinkan, loogana aqoonsado Somaliland in ay tahay dal madax-bannaan oo leh aragti ku saleysan dan qaran, bulsho iyo maamul hufan.

Gabagabo ahaan, daah-furka hindisahan Burco wuxuu ka tarjumayaa yididiilo cusub oo ku wajahan nidaam maamul oo bixinaya adeeg dawladeed oo u dhow bulshada meel kasta oo ay joogaan. Waa dhabbaha suurtagalka ka dhigaya dawladnimo loo siman yahay, taas oo u baahan taageero, dulqaad, iyo ilaalin joogto ah si ay u midho dhasho.

     
Loading...