hadhwanaagnews
Komishanka Maamul-wanaagga Jamhuuriyadda Somaliland o socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Awdal ee Borama,ayaa shalay kulan wacyi gelin ah u qabtay isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Awdal.
Kulanka wacyi gelinta ah ee komishanka Maamul-wanaagga Somaliland u qabtay isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Awdal,ayay ujeedadiisu ahayd sidii isuduweyaasha loogu wacyi gelin lahaa maamul wanaagga iyo guadashada shaqada ay qaranka u hayaan.
Dr. Aadan Axmed Daahir, Guddoomiyaha Gudida Maamul-wanaagga oo kulanka xidhitaankiisii hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay, in Isuduwayaasha Laamaha Dawladda Gobolka Awdal looga baahanyahay in ay fuliyaan kuna dhaqmaan illaalinta masuuliyada iyo ku dhaqanka mabaadida maamul-wanaaga.
Waxaa kale oo Munasibada waxa kelmedo kooban oo ku saabsan Maamul-wanaagga iyo muhiimada ay leedahay Wacyigelinta laamaha Dawladda ka jeediyay xubnaha gudida ee kala ah C/wahaab Faarax Nuur iyo Jaamac Aadan Maxamed (Jirde).
Geesta kale Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Xasan Xoday, ayaa Guddida maamul-wanaagga uga mahadnaqay dedaalka ay ugu jiraan hirgelinta Maamul-wanaaga iyo isla xisaabtanka isaga oo sheegay in ay si dhaw u wada shaqayn doonaan.