Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Caanka ah ee Burco Technical Institute.

Friday August 22, 2025 - 15:57:43
hadhwanaagnews
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u indho-indheeyey qaybaha


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta soo kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Caanka ah ee Burco Technical Institute, oo muddo dheer door taariikhi ah ka soo qaatay tababarka xirfadaha iyo dhismaha aqoonta farsamada gacanta, soona saaray farsamo-yaqaanno tayo sare leh.

Tan iyo xilligii la aasaasay Iskuulkani waxa uu soo saaray kummanaan farsamo yaqaan ah oo khibradoodii lagu tanaaday. Iskuulka Farsamada Gacanta ee Burco waxa uu tusaale cad u yahay sida Waxbarashada Farsamadu ay lagama maarmaanka ugu tahay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee uu Iskuulkani ka kooban yahay, isaga oo la kulmay Maamulka oo si faah-faahsan Madaxweynaha ugu sharraxay fursadaha uu Iskuulkani haysto iyo caqabadaha jira.

Intii uu kormeerku socday, Madaxweynaha waxa uu carrabka ku adkeeyey in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go’an tahay dhiirrigelinta Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo xirfadaha shaqo abuurka, si loo abuuro bulsho aqoon iyo xirfad isku dhafan leh oo wax ku soo kordhisa horumarinta dalka.

Ugu dambayntii, maamulka Burco Technical Institute ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa, iyaga oo tilmaamay in ay tahay dhiirrigelin weyn oo kor u qaadaysa qiimaha iyo muhiimadda uu Iskuulkani u leeyahay bulshada reer Burco iyo mustaqbalka dhallinyarada Somaliland.
     
Loading...