Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Qaaday Tallaabo Tusaale u ah Maamul-wanaagga Qaranka

Thursday October 16, 2025 - 14:47:48
hadhwanaagnews
Waxaa si gaar ah diirradda loo saaray hirgelinta hawlaha muhiimka ah



Madaxda sare ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay daah-furay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay waxqabadka iyo horumarka ka dhashay qorshaha saddexdii bilood ee ugu dambeeyay (July ilaa September). Kulankan ayaa qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee xukuumadda wadajir iyo waxqabad ay ku dhisayso nidaam dawladnimo oo casri ah, isla markaana lagu xoojinayo maamul-wanaagga iyo isla xisaabtanka hay’adaha qaranka, si loo xaqiijiyo daah-furaan wax-ku-ool ah oo ku saleysan adeegyada dowladda.

Kulankan oo ay hormuud ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiir Ku-xigeenka Mudane Muuse Askar Guuleed, iyo Agaasimaha Guud Mudane Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka Case), ayaa ujeeddadiisu ahayd in si qoto dheer loo qiimeeyo waxyaabaha ka qabsoomay qorshe-hawleedka saddexdii bilood ee la soo dhaafay, isla markaana dib u eegis togan lagu sameeyo fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran qorsaha horumarineed ee Wasaaradda.

Waxaa si gaar ah diirradda loo saaray hirgelinta hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu qaranka u hayso, sida kor u qaadista wacyigelinta bulshada, horumarinta dhaqanka, ilaalinta suugaanta, iyo tayaynta warbaahinta qaranka. Intii uu socday kulanku, waxaa si daah-furan la isu dhaafsaday talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo lagu dardargelinayo hawlaha ka hadhsan qorshe-hawleedka sannadka 2025, si loo xaqiijiyo fulinta himilooyinka iyo horumar wasaradda.

Dib-u-eegista noocan ah waxay door weyn ka ciyaartaa kobcinta hufnaanta maamulka, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo hagaajinta qorsheynta mustaqbalka ee wax-ku-oolka ah. Waxa kale oo ay fursad u tahay isku-xidhka aragtiyaha hoggaanka iyo shaqaalaha si loo xaqiijiyo yoolalka istaraatiijiyadeed ee Wasaaradda.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn loogu amaanay muddadii ay jirtay xukuumadda wadajir iyo waxqabad ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyadoo noqotay hormuudka isbeddelka fikirka iyo wacyigelinta bulshada, isla markaa si muuqata uga shaqeysay horumarka, waxqabadka, midnimada iyo wadajirka bulshada.

Kulan-hawleedkani waa tiir muhiim ah oo lagu xaqiijinayo himilooyinka iyo mabaadi’da guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland higsanayo, sidoo kalena lagu dhisayo hannaan dawladnimo oo casri ah, kaas oo si hufan uga jawaabaha baahiyaha adeegyada bulshada. Sidaa darteed Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo arrintaasi maanka ku haysa waxay si hagar la’aan ah uga shaqeysay qorshaynta iyo la socodka waxqabadka waaxyaha kala duwan ee hoos yimaadda, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo maamul-wanaagga.

     
Loading...