Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa safar rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya. Safarkan oo leh miisaan diblomaasiyadeed oo culus, waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaxoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya labada dal.
Booqashadani waxa ay muujinaysaasida geesinimada leh ee ay Xukuumadda Somaliland u horumarinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo iskaashiga gobolka, iyada oo ku wajahaysa mabaadi’ guud oo ku dhisan madax-bannaani siyaasadeed iyo aragti fog oo ku saleysan danaha guud ee gobolka. Waxa kale oo ay xoojinaysaa doorka ay Somaliland ka ciyaarayso amniga, dhaqaalaha, iyo diblomaasiyadda Geeska Afrika.
Sidoo kale, safarkani waxa uu xambaarsan yahayfarriin cad oo muujinaysa diyaar garowga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiyaee ku aaddan kor u qaadistadanaha wadaagga ahee ka dhaxeeya labada waddan ee deriska ah si wadajir ah. Tani waxay ku saleysan tahay aragti istiraatiiji ah oo ku dhisaniskaashi wax-ku-ool ah, dan wadaag, iyo horumar.
Dhinaca kale, booqashadani waxay ka tarjumaysaabaahida sii kordheysa ee loo qabo dhisidda iskaashi joogto ahoo dhinacyo badan leh, si loo xaqiijiyoxasillooni siyaasadeed, koboc dhaqaale, iyo isku xidhnaan istiraatiiji ahoo ka hanaqaadda guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Tallaabo Diblomaasiyadeed oo Miisaan Leh
Safarkani waxa uu ka tarjumayaa aragti fog iyo baahida dhabta ah ee xiligan loo qabo xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiiji ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Wuxuu ku soo beegmayaa xilli Geeska Afrika uu wajahayo isbeddelo siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni oo isa soo taraya, taasoo u baahan hoggaan leh himilo fog iyo qorshe cad. Marti-qaadka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxa uu muujinayaa in Itoobiya ay u aragto Somaliland lammaane istiraatiiji ah oo lagu horumarin karo danaha wadajirka ah ee gobolka.
Horumarka Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Somaliland:
Jamhuuriyadda Somaliland, oo lagu tilmaamo in ay tahay iftiinka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, waxa ay si madax-bannaan u maamushay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, iyada oo muddadii ay jirtay xukuumadda waxqabad iyo wadajir ku tallaabsatay guulo diblomaasiyadeed oo muuqda.
Xukuumadda Somaliland waxay xoogga saartayistaraatiijiyad ku dhisan fahamka xaqiiqooyinka dhabta ah ee mandaqadda, doorka ay Somaliland ku leedahay gobolka, iyo kaalinteedajuquraafiyeed, siyaasadeed, iyo amniee Geeska Afrika. Tani waxay u suurtagelisay in ay la falgasho dalalka dariska ah iyo kuwa caalamiga, si ay u dhisto iskaashi ku salaysan dan-wadaag, wax wada-qabsi iyo iskaashi ku salaysan wax is-dhaafsi.
Tallaabadan wax-ku-oolka ah ee ay qaaday xukuumadda Somaliland, gaar ahaan safarrada diblomaasiyadeed ee heerka sare ah, waxa aymarkhaati cad u tahay aragtida cusub ee firfircoonee ay Somaliland ku wajahday siyaasadda arrimaha dibadda. Taas oo ah aragti ku dhisan felsafad iyo xirfad sare oo diblumaasiyadeed.
Istaraatiijiyadda cusub ee ay hirgelisay Xukuumadda Somalilandwaxa ay si toos ah ugu adeegaysaadanaha qaranka, iyadoo diiradda saaraysa horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo kor u qaadista sumcadda Somaliland ee caalamka. Istaraatiijiyaddan waxa ay si qorshaysan u dhisaysaa muuqaalka diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyadoo xoojinaysaxidhiidhka ay la leedahay dowladaha deriska, kuwa gobolka, iyo beesha caalamka.
Qorshayaashan diblumaasiyadeed ee ay qaaday xukuumadda wadajir iyo waxqabad, ayaa la xidhiidha ujeedada ah in Somaliland aymasraxa siyaasadda caalamkaka heshoMeeqaam sharafeed sare, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xasilloonideeda gudaha, dimuqraadiyaddeeda, iyo doorka istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay Geeska Afrika. Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay dunidu si isa soo taraysa u danaynaysonabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka, taasoo fursad u ah Somaliland in ay ka dhex muuqato goobo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.
Safarkan oo xambaarsan muhiimad istaraatiiji ah oo ballaadhan, waxa la filayaa inuu horseedo fursado cusub oo iskaashi oo ku saabsan arrimo siyaasadeedda, amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda. Waa socdaal muujinaya in Somaliland ay si firfircoon u wajahday ka qeybgalka arrimaha gobolka, iyadoo si istaraatiiji ah u raadineysa saaxiibtinimo, iskaashi iyo dan-wadaag sal adag leh.
Iskaashi Ka Baxsan Heer Dowladeed
Booqashadani oo si cad u muujinaysaa muhiimadda xidhiidhka labada dawladladood iyo labadashacab ee Somaliland iyo Itoobiya, waxa uukor u qaadaysaa kalsoonida iyo fahamka labada bulsho, taasoo fure u noqon karta iskaashi ballaadhan oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhaqaalaha, waxbarashada, iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo ganacsiga.
Aragti Istiraatiiji ah oo ku Aaddan Geeska Afrika
Labada dal waxa ay si wadajir ah u muujinayaan rabitaanka ah in Geeska Afrika uu noqdo gobol xasilloon, horumarsan, oo leh is-dhexgal dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Safarka Madaxweynaha Somaliland waxa uu muujinayaa in la doonayo in laga gudbo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee muuqda oo keliya, isla markaana loo gudbotalaabooyin wax-ku-ool ahoo lagu dhisayo mustaqbal barwaaqo leh.
Miisaanka Safarka iyo Wefdiga Madaxweynaha:
Wefdiga Madaxweynaha Somaliland ee safarkan ku wehelinaya waxa uu ka kooban yahay masuuliyiin heer sare ah sida Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Maaliyadda, Maalgashiga, Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha ciidanka Sirdoonka JSL. Tani waxay muujinaysaa in safarkani aanu ahayn booqasho sharafeed oo keliya, balse uu yahay qorshe istiraatiiji ah oo dhisan, laguna salaynayoujeeddooyin cadcad oo wax ku ool ah.
Sidoo kale, Booqashadan Madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya waxa ay muujinaysaa wejiga cusub ee diblomaasiyadda Somaliland oo ah mid firfircoon, ujeeddo leh, kuna dhisan danaha iyo iskaashiga macquulka ah. Waa tallaabo muujinaysa bisayl siyaasadeed, hal-adayg diblomaasiyadeed, iyo go’aan ay Somaliland kaga qeyb qaadanayso qaabaynta mustaqbalka gobolka.
Iskaashiga Amniga
Labada dal waxay si weyn u danaynayaan xasilloonida xuduudaha, la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, iyo iskaashiga dhanka ammaanka. Waxaa la filayaa in laga wada-hadlo qorshayaal iyo hannaan amni oo dhexmara labada dhinac, si looga hortago khataraha guud ee gobolka.
Xidhiidhka Ganacsi iyo Maalgashi
Somaliland waxay si cad u muujisay sida ay u tahay xarun ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika, isla markaana ay leedahay deked istaraatiiji ah oo u adeegi karta Itoobiya oo aan lahayn bad. Dhinaca kale, Itoobiya waa suuq weyn oo u furan badeecadaha Somaliland, waana fursad ay labada dhinac ka faa’iidaysan karaan si ay u horumariyaan dhaqaalahooda.
Doorka Somaliland ee Gobolka
Safarkan waxa uu furayaa bog cusub oo ku saabsan doorka ay Somaliland ka ciyaari karto gobolka, iyada oo leh aragti siyaasadeed oo qotodheer, degganaansho, iyo hannaan madax-bannaani ah oo shaqaynaya.
Gunaanad:
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee Itoobiya waxa uu calaamad u yahay bilowga wajigii labaad ee diblomaasiyadda Somaliland kaas oo ah mid ku dhisaysa dano iyo iskaashi la taaban karo. Somaliland waxay u muuqataa in ay si xeel dheer u adeegsanayso awooddeeda juquraafi, xasilloonideeda siyaasadeed, iyo aragtideeda ku saleysan iskaashi, si ay u xoojiso meeqaamkeeda ay masraxa caalamiga ah.