hadhwanaagnews

Madaxweynaha dalka Taiwan, William Lai Ching-te, ayaa maanta gaadhay dalka Eswatini, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Boqor Mswati III iyo shacabka dalkaasi.
Safarkan oo hore loo qorsheeyay balse dib u dhac ku yimid arrimo gaar ah awgeed, ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xidhiidhka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, waxbarashada iyo dhaqanka.
Madaxweyne William Lai Ching-te ayaa uga mahadceliyay Boqorka Eswatini iyo xukuumaddiisa taageerada ay u hayaan Taiwan, gaar ahaan difaaca booskeeda caalamiga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Taiwan ay ka go’an tahay ka qaybgalka caalamka, isla markaana aysan ka tanaasuli doonin xaqeeda, iyadoo ku taagan xorriyad iyo nabad.