Austria Oo Mamnuucday In Madaxa Hay'adda Tamarta Atoomikada Iiraan Uu Dalka Galo

Monday September 14, 2026 - 09:23:09
hadhwanaagnews
Eslami ayaa loo qorsheeyey inuu khudbad ka jeediyo shirka Golaha Guddoomiyeyaasha



Dowladda Austria ayaa mamnuucday inuu dalkeeda galo madaxa Hay’adda Tamarta Atoomikada Iiraan, Mohammad Eslami, kaas oo qorshuhu ahaa inuu ka qayb galo shirka Hay’adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ah (IAEA) ee ka dhacaya magaalada Vienna.

 

Go’aanka ayaa lagu sababeeyey cunaqabatayn caalami ah iyo xayiraad safar oo lagu soo rogay Eslami, taas oo ka hor istaagtay inuu galo Austria si uu uga qaybqaato shirka.

 

Eslami ayaa loo qorsheeyey inuu khudbad ka jeediyo shirka Golaha Guddoomiyeyaasha IAEA ee Isniinta, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyey warsidaha Bloomberg oo soo xigtay sarkaal Maraykan ah.

 

Bloomberg ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu ku boorriyey in la diido codsi Qaramada Midoobay ah oo ku saabsanaa in Eslami laga dhaafo cunaqabataynta, taas oo haddii la oggolaado u suuragelin lahayd inuu u safro Austria.

 

Go’aanka lagu hor istaagay Eslami inuu ka qayb galo shirka IAEA ayaa imanaya xilli xidhiidhka u dhexeeya Iiraan iyo dalalka reer Galbeedka uu si weyn u sii xumaanayo, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo cunaqabataynta caalamiga ah.

     
Loading...