Dawladda Itoobiya oo Maamuuskii ugu Sarreeyay ku soo Dhawaysay Wiftigii Madaxweynaha JSL Hoggaaminaya

Wednesday October 15, 2025 - 15:04:52
hadhwanaagnews
Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa ku soo dhawaysay maamuuskii



Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefti ballaadhan po uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay shalay dalka Itoobiya ka dib martidaaq rasmi ah oo Madaxweynaha Somaliland u ka helay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa ku soo dhawaysay maamuuskii ugu sarreeyay ee heer Qaran ah ka dib markii Madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport ay ku qaabileen Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiy aiyo masuuliyiin sare oo ka mid ah dawladda.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo loo dhigay roogga wufuudda heer qaran ee ay ku qaabisho dawladda Itoobiya madaxda booqata oo ah roog ka samaysan midabka faraawilka, ayaa waxaa isla madaarka caalamiga ah ee Bole salaam Sharaf Madaxweynaha Somalilandwasiirka arrimaha dibedda Itoobiy aiyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ku siiyay ciidanka baanboyda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa ayaa qadar nasasho ah kula qaatay qaybta VIP -da ee Madaarka Bole International Airport Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa nasashada ka dib loo galbiyay halka ay dawladda Federaalka Itoobiya u qoondaysay in ay degaan Weftiga Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminayo.

 

     
Loading...