Wasiir ka Tirsan Dawladda Gibraltar oo Shaaciyay inuu Danaynayo Is-Kaashi Dhex-mara Somaliland

Saturday November 08, 2025 - 16:52:15
hadhwanaagnews
Prof. Cortes, oo hore u ahaa saynisyahan caan ka ah qaaradda Yurub ka hor inta ....



Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Deegaanka, Isbeddelka Cimilada, Horumarka Joogtada ah, Dhaxalka Dhaqameed, Adeegyada Farsamada iyo Gaadiidka ee Gibraltar,Mudane Prof. John Cortes, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uusi buuxda diyaar ugu yahay wadashaqayn iyo iskaashi farsamooo dhex-mara dalkiisa iyoJamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyadawaxbarashada, deegaanka, isbeddelka cimilada, iyo ilaalinta dhaxalka qadiimiga ah ee qaranka JSL.

WasiirProf. John Cortes oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta The Advocate Post, waraysigaas oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, waxa uu ku sheegay in inuu si mug leh u taageersan yahay in la sameeyo iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta dalkiisa Gibraltar iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Prof. Cortes, oo hore u ahaa saynisyahan caan ka ah qaaradda Yurub ka hor inta aanu siyaasadda ku biirin waxa uu waraysigan ku tilmaamay in iskaashigu aanu ku koobnayn dhinaca diblomaasiyadda oo keliya, balse uu yahay nidaam ballaadhan oo casri ah oo ku saleysan xidhiidhka caalamiga ah ee dhismaha iyo horumarka dadka.

Caxa uu aad u danaynaysaa in ay la shaqayso dalka Somaliland oo doonaya horumar waara, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ilaalinta deegaanka, dhaxalka qaranka iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada,” ayuu yidhi Prof. Cortes.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Somaliland iyo dalalka kale ee Geeska Afrika ay yeelan karaan iskaashi midho dhal ah haddii ay la yimaadaan hindisayaal wax dhisaya oo diiradda saaraya horumar waxaanu yidhi "In kasta oo xidhiidhka dibadda ee rasmiga ah uu hoos yimaado Boqortooyada Ingiriiska, haddana Gibraltar waa deegaan furan oo diyaar u ah iskaashi farsamo iyo bulsho. Waxaan hore u la shaqeynay waddamada Morocco iyo Senegal, taas oo muujinaysa sida aan u qiimeyno wada-shaqeynta aan siyaasadda ku koobnayn.”

Gibraltar waa deegaan yar oo ku yaalla koonfurta Spain, oo ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska. Waa meel istiraatiiji

     
Loading...