Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Seeraha Ugu Weyn Dalka Kenya

Thursday January 15, 2026 - 12:56:23
HADHWANAAGNEWS
"Maanta waxaan booqasho ku tagnay mid ka mid ah seeraha


Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Shuceyb, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay mid ka mid ah seeraha ugu waaweyn uguna muhiimsan dalka Kenya, kaasi oo door weyn ka qaata horumarinta xoolaha iyo sugidda calafka dabiiciga ah ee dalkaasi.

Wasiirka oo ka hadlayay ujeeddada booqashadiisa ayaa sheegay in seerahaasi yahay tusaale muhiim ah oo ay Somaliland wax badan ka baran karto, gaar ahaan dhinacyada maareynta daaqa, ilaalinta xoolaha, iyo kaydinta calafka xilliyada abaarta.

"Maanta waxaan booqasho ku tagnay mid ka mid ah seeraha ugu balaadhan dalka Kenya, gaar ahaan seeraha OL PEJETA, kaasi oo ah dhul baaxaddiisu gaadhayso ku dhawaad 40,000 oo hektar, isla markaana si gaar ah loogu xidhay xanaanaynta xoolaha,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu faahfaahiyay in seerahan loo sameeyay nidaam casri ah oo xooluhu ka helaan calaf iyo biyo ku filan sanadka oo dhan, isla markaana dhirta calafka ahi ay si dabiici ah uga baxdo dhulka.

Waxa kale oo uu xusay in sannad walba calafka la jaro lana kaydiyo, halka sannadka xiga xoolaha loo sii daayo si ay u daaqaan, taasi oo ka hortagta xaalufka iyo dabar-go’a dhirta.

Mudane Cumar Shucay waxa uu tilmaamay in qorshaha seeraha la xidho oo si nidaamsan loo maareeyo uu yahay mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan ee lagu badbaadin karo xoolaha Somaliland, gaar ahaan xilliyada abaarta iyo isbeddelka cimilada.

"Seerahan waxa ay awood u leeyihiin in ay sanadka oo dhan quudiyaan in ka badan 500,000 oo neef oo xoolo kala duwan ah, taasi oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in dalkeennu hirgeliyo nidaamkan oo kale,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirku.
     
Loading...