Hay'adda Hawlgabka Somaliland oo Bilowday Dhaqan-gelinta Nidaamka Hawlgabka Shaqaalaha Dowladda

Tuesday March 17, 2026 - 14:02:13
HADHWANAAGNEWS
Agaasimaha oo hadal ka jeediyay kulan ka qabsoomay...



Agaasimaha Hay’adda Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dowladda Somaliland, Mudane Saleebaan Obsiiye, ayaa sheegay in si rasmi ah loo bilaabay hirgelinta nidaamka hawlgabka, isla markaana dadkii ugu horreeyay lagu daray nidaamkaas oo ay heleen xuquuqdoodii.


 

Agaasimaha oo hadal ka jeediyay kulan ka qabsoomay magaalada Gabiley, oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanno, madaxda gobolka iyo degmada, ayaa iftiimiyay in tirada dadka hawlgabka galay ay gaadhay 1,800 qof, kuwaas oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.


 

Saleebaan Obsiiye ayaa xusay in barnaamijkani yahay mid taariikhi ah, isla markaana ay tahay markii ugu horreysay ee nidaamkan si rasmi ah looga hirgeliyo Somaliland.


 

Wuxuu yidhi:


"Nin hawl dheer loo diray ayaan ahaa, 1,800 oo hawlgab ah oo Somaliland oo dhan kala jooga ayaan waday. Meel wanaagsan ayay wax noo marayaan, madaxa ayaanu soo yara qaadnay. Dadkii ugu horreeyay ayaan gelinay hawlgab, lacagtoodiina way qaateen. Nidaamkii wuu inoo dhaqaaqay, waana markii ugu horreysay ee Somaliland laga hirgeliyo barnaamijka hawlgabka iyo xaqsiinta."


 

Agaasimaha ayaa sidoo kale tilmaamay in barnaamijkani uu door weyn ka qaadan doono daryeelka iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda ee hawlgabka noqda, isla markaana uu xoojin doono nidaamka shaqaalaha iyo maamulka guud ee dalka.



     
Loading...