HADHWANAAGNEWS

Masuuliyiinta Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska (UK) ayaa kulan casho sharaf iyo isbarasho ah u qabtay masuuliyiin ka socday dawladda Israa’iil.
Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo diiradda lagu saaray is-fahamka, wada-shaqaynta iyo fursadaha mustaqbalka ee labada dal.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa intii uu socday kulanku is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, iyaga oo muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac.
Casho-sharaftan ayaa sidoo kale qayb ka ahayd dadaallada ay Somaliland ugu jirto ballaadhinta xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo dhisidda iskaashi ay la yeelato dalalka kale ee dunida.
