Madaxweyne Cigaal waxa uu Somaliland ka beddelay jabhado beelo u hubeysan wuxuuna ka dhigay dawlad nidaamsan oo leh hay'ado dhammaystiran

Sunday May 03, 2026 - 18:39:25
hadhwanaagnews
Waxa uu ku guulaystay hubka-dhigistii u horreeyey ee maleeshiyaadkii jabhadda...



Madaxweyne Hore Marxuum Maxamed Xaaji Ibaarhim Cigaal waxa uu Somaliland ka beddelay jabhado beelo u hubeysan wuxuuna ka dhigay dawlad nidaamsan oo leh hay'ado dhammaystiran


 

Ilaahay ha u naxariisto Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo dalka Madaxweyne ka ahaa (1993–2002), mudadaa wuxuuqaranka Somaliland ka hirgaliyey dawladinimo taama oo ku taagan dhidibo adag.

 

Amniga & Nabadeynta

Waxa uu ku guulaystay hubka-dhigistii u horreeyey ee maleeshiyaadkii jabhadda, isagoo u beddelay ciidan qaran oo nidaamsan, xeryo tababarna u furay.

 

Nabadeynta: Waxa uu soo afjaray colaadihii sokeeye, isagoo adeegsanaya wadatashi iyo xeer-dhaqameedka Somaliland si loo helo xasilooni waarta.

 

Lacagta Qaranka: Sannadkii 1994, waxa uu soo saaray Somaliland Shilling, taas oo dalka ka saartay isticmaalkii lacagtii hore ee Soomaaliya, xoojisayna madax-bannaanida Qaranka Jamhuuriyada Somaliland

 

Dhismihii Dawladnimada & Sharciga:

Waxa uu curiyey dastuurka lagu maamulo dalka, kaas oo afti qaran lagu ansixiyey sannadkii 2001, dhidibadana u aasay dimuqraadiyadda.

 

Calanka & Astaanta: Waxa uu hirgaliyey Calanka saddexda midab leh iyo Astaanta Qaranka (National Emblem), kuwaas oo astaan u noqday gooni-isu-taagga iyo haybadda Somaliland.

Ururrada Siyaasadda: Waxa uu dalka ka hirgeliyey nidaamka xisbiyada badan, isagoo ka guuray nidaamkii beelaha una gudbay tartanka dimuqraadiga ah.

 

Aqoonsiga Muwaadinka: Waxa uu soo saaray Baasaaboorka iyo Kaadhka Aqoonsiga (ID Card), si muwaadinku u helo astaan u gaar ah oo dunida lagaga garto.

 

Maalinta Axada ayey ku beegan tahay 24 ka hor Maalintii uu ku geeriyooday magaalada biritooriya ee dalka Sawd Afrika

 

Ilaahay ha u naxariisto Madaxweynihii labaad ee Somallland

" Waaxda Wada-Xidhiidhka Qaranka ee Wasaarada Warfaafinta)

     
Loading...