hadhwanaagnews
Maayar ku xigeenka Magaalada Burco Khaalid Xaaji Xasan Diiriye ayaa ku amaanay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro mashaariicaha ay ka hirgalisay magaaladaas. Khaalid Xaaji Xasan Diiriye ayaa waxa uu sheegay in waxyaabihii uu balanqaaday uu Madaxweynuhu ka fuliyay Magaalada Burco,kuwaas oo ay ka mid yihiin ID Card dhalashada iyo baasaaboorka.
Waxaana uu yidhi "Waxa aanu uga mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland oo ahmiyad gaara ee uu siiyay arimaha Magaalada Burco,Madaxweynuhu markii uu yimid Burco mashaariico badan ayuu dhagaxdhigay waxyaabihii uu balanqaaday waxyaabo badan ayaa ka fulay.maamul daadajinta waxyaabo ayaa ka fulay ID Card iyo baasaaboorkii Burco ayaa laga qaadanayaa waa waxyaabaha Madaxweynuhu soo daadajiyay.waxa kale oo aanu madaxweynaha uga mahadcelinaynaa cisbitaal weyn Burco laga hirgalinayo oo dhawaan dhamaan doona,”.
Sidoo kale Khaalid Xasan Diiriye ayaa waxa uu tilmaamay in aanay jirin kala qaybsanaan ka jirta golaha deegaanka ee Magaalada Burco.Waxaana uu yidhi”Waxba kama jiraan in kala qaybsanaan ka jirto Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Magaalada Burco.maayarka iyo nin Xildhibaan ah ayuunbaa murmay gole kala qaybsanan majirto.meel ayay u wada jeedaan xildhibaanada,waxaana aan rajaynayaa in muddo xileedkayaga guul ku dhamayno”.