Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo UNDP Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Wada Shaqaynta iyo Mashaariicda Maamulka Daadejinta

Wednesday March 11, 2026 - 13:58:23
hadhwanaagnews
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta


May be an image of text

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Cali Cige Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda UNDP ee Somaliland, Marwo Samiira Xasan.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hay’adda UNDP, gaar ahaan dhinacyada horumarinta maamulka dawladaha hoose iyo taageerada mashaariicda horumarineed.


 

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay mashaariicda la xidhiidha nidaamka Maamulka Daadejinta, iyo sidii loo sii wadi lahaa dadaallada lagu beddelayo mashruucii hore ee JPLG, iyadoo la qorsheynayo mashaariic cusub oo lagu horumarinayo adeegyada dawladaha hoose iyo maamulka magaalooyinka.

May be an image of studying and table
May be an image of one or more people and newsroom
May be an image of one or more people, people smiling, scarf, headscarf and newsroom
May be an image of dais and text





     
Loading...