HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsiga socda uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta nidaamka maamulka maaliyadda iyo kormeerka mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in tababarkani ka caawinayo hay’adaha dowladda inay si hufan u maareeyaan mashaariicda, isla markaana loo hubiyo in si sax ah loogu adeegsado ujeedadii loo qorsheeyay.
"Maadaama ay jiraan mashaariic badan oo Bangiga Adduunku naga taageero, tababarkani wuxuu xoojinayaa awoodda aynu ku kormeerayno nidaamka maaliyadeed si loo hubiyo in mashruuc kasta loo adeegsaday ujeedadii laga lahaa," ayuu yidhi Wasiirku.
Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay kor u qaadista awoodda hay’adaha dowladda si loo xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo maarayn wanaagsan oo ku saabsan mashaariicda horumarineed.