Wasiirka Gaadiidka Somaliland Oo Faahfaahiyey Muhiimadda Waddada Lowyo-caddo, Saylac Iyo Borama

Thursday May 14, 2026 - 10:36:20
hadhwanaagnews
Cismaan Afgaab Nuur ayaa tilmaamay in mashruucan lagu bixinayo lacag....



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Cismaan Afgaab Nuur, ayaa sheegay in waddada isku xidha Lowyo-caddo, Saylac iyo Borama ay tahay mashruuc muhiim u ah isku socodka iyo horumarka gobollada Awdal iyo Salel.


 

Wasiirka ayaa xusay in waddadani dhererkeedu gaadhayo 256 KM, isla markaana loo qorsheeyey in loo dhiso si waafaqsan heerarka caalamiga ah.


 

Cismaan Afgaab Nuur ayaa tilmaamay in mashruucan lagu bixinayo lacag dhan 30 milyan oo dollar, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee dhinaca jidadka ee gobolka laga hirgelinayo.


 

Waxa uu sheegay in dhismaha waddadani kor u qaadi doono isu socodka bulshada, ganacsiga iyo isku xidhka deegaannada xeebaha iyo gudaha dalka, taas oo door weyn ka qaadan doonta koboca dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.


 

Wasiirka ayaa yidhi:


 

"Waddadan Lowyo-caddo, Saylac iyo Borama waa waddo muhiim u ah isku socodka, waana waddo gaadhaysa 256 KM oo la doonayo inay si caalami ah u dhisanto. Lacag badan ayaa ku baxaysa oo dhan 30 milyan oo dollar.”


 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasibaddii lagu saxeexayey wejiga koowaad ee dhismaha waddada Lowyo-caddo iyo Saylac.

     
Loading...