hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta guddoomisay shirka saddex-biloodle ee guddiga sare ee Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), kaas oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda wajiga saddexaad ee SDF3, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Biyaha.
Mas’uuliyiinta shirka ka qayb galay ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa mashaariicda horumarineed ee door weyn ka qaadanaya koboca dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin cusub, adkaysiga isbeddelka cimilada iyo yaraynta saboolnimada bulshada.
Wasaaradda Qorshaynta ayaa sheegtay in Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) uu yahay mid muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka iyo taageerada mashaariicda wax ku oolka ah ee bulshada.