hadhwanaagnews
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in dowladda Japan ay dib u eegis ku samaynayso siyaasaddeedii hore ee ku koobnayd taageerada dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada, iyadoo hadda diiradda saaraysa iskaashi diblomaasiyadeed iyo xidhiidh siyaasadeed oo xooggan.
Japan oo ka mid ah quwadaha dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida, ayaa lagu soo warramayaa inay danaynayso inay door muuqda ku yeelato loollanka siyaasadeed ee ka socda gobolka Geeska Afrika.
Warar aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sidoo kale sheegaya in Japan lagu darayo dalalka la hadal hayo ee diyaar u noqon kara inay aqoonsi siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Dowladda Japan ayaa hore Somaliland uga taageertay mashaariic kala duwan oo muhiim ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
• Biyaha iyo fayadhowrka:
– Ceelal biyood
– Mashaariic biyo-gelin ah
– Adeegyada nadaafadda
• Caafimaadka:
– Taageerada xarumaha caafimaadka
– Qalabka caafimaadka
– Adeegyada bulshada
• Waxbarashada:
– Taageerada carruurta iyo dugsiyada
– Mashaariic ay fuliyaan hay’adaha caalamiga ah
• Gargaarka bani’aadamnimo:
– Gurmadka abaaraha
– Taageerada cunno yarida
– Xaaladaha degdegga ah
Dhaqdhaqaaqyada cusub ee Japan ayaa loo arkaa kuwo muujinaya isbeddel siyaasadeed oo sii kordhaya oo ay quwadaha caalamku ku eegayaan Somaliland iyo muhiimadda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.