hadhwanaagnews
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xaamud Jibriil, ayaa ku tilmaamay mashruuca dhismaha jidka Lawyacaddo mid wax weyn ka beddeli doona qiyamka bulshada deegaannadaasi iyo jihada mustaqbalka ee ay hiigsanayaan.
Guddoomiye Cali Xaamud ayaa hadalkan ka sheegay munaasibaddii saxeexa rasmiga ah ee qandaraaska dhismaha waddada isku xidhi doonta Lowyacaddo iyo Boorama.
Waxa uu yidhi:
"Mashruuca jidka Lawyacaddo waxa uu wax ka beddelayaa qiyamka bulshada deegaannadaasi.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale xusay in jidkani door weyn ka qaadan doono koboca dhaqaalaha gobollada Awdal iyo Salel, isla markaana uu faa’iido u yeelan doono guud ahaan dalka.
Waxa uu tilmaamay in waddadani kor u qaadi doonto isu socodka bulshada, ganacsiga iyo horumarka deegaannada ay marayso, taas oo qayb ka noqon doonta koboca dhaqaalaha Somaliland.