hadhwanaagnews
Hoggaamiyaha Xisbiga Dib-u-habaynta UK, Nigel Farage, ayaa hore u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay mudan tahay aqoonsi caalami ah, isaga oo ku tilmaamay Somaliland dal muujiyey xasillooni, dimuqraadiyad iyo nidaam siyaasadeed oo shaqeynaya.
Hadalka Nigel Farage oo ku jira diiwaannada siyaasadeed ayaa mar kale si weyn loogu hadal hayaa xilli ay Somaliland sii waddo dadaallada ay ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah.
Farage ayaa sheegay:
"Somaliland way u qalantaa in la aqoonsado.”
Taageerayaasha qadiyadda Somaliland ayaa hadalkan u arka mid muujinaya in siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi ay si isa soo taraysa u fahmayaan xaaladda gaarka ah ee Somaliland iyo horumarka ay gaadhay marka loo eego gobolka Geeska Afrika.