Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL oo Shaaciyay In La Qabtay Shabakad Lagu Eedeeyay Faragelin Shisheeye

Tuesday February 24, 2026 - 11:46:51
HADHWANAAGNEWS
Ammaan Loo Jeediyay Laamaha Ammaanka



Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay caddeeyey in ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen kooxo shabakad ah oo la sheegay inay adeegsanayeen dalal shisheeye oo cadow ku ah Somaliland, kuwaas oo lagu eedeeyay inay khalkhal ka abuuraan gudaha dalka.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in shabakaddaas ay ku jiraan dad u dhashay Somaliland, qaarna la xidhay, halka kuwo kalena lagu daba-joogo soo qabashadooda, isla markaana lagu wado baadhitaan.

 

"Waxaan idinla socodsiinayaa in cadow badan oo aynu leenahay ay farogelin ku hayaan waddankeena. Ciidamada amnigu waxay qabteen shabakad la soo adeegsaday oo ay ku jiraan dad ka mid ah kuwa Somaliland, kuwaas oo la sheegay in lagu maalgeliyay dalal shisheeye si ay khalkhal uga abuuraan gudaha Somaliland. Qaar waa la xidhay, kuwo baadhitaan ayaa ku socda, kuwo kalena waa la daba socdaa, waxaana la marinayaa sharciga Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Ammaan Loo Jeediyay Laamaha Ammaanka

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa si weyn u ammaanay laamaha ammaanka JSL, isaga oo ku bogaadiyay hawlgalka lagu soo qabtay shabakaddan, islamarkaana carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah lala tiigsan doono sharciga.

 

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli xukuumaddu ku celcelinayso in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin faragelin dibadeed ama falal wax u dhimaya nabadgelyada gudaha.

     
Loading...