Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulmay Xildhibaannadii Ka Cadhooday Doorashadii Golaha Deegaanka Hargeysa

Thursday May 14, 2026 - 10:20:42
hadhwanaagnews
Kulanka Wasiirka oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda

May be an image of wedding


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, gaar ahaan garabkii uu hoggaaminayay Maayar Ku-xigeenkii xilka laga qaaday ee caasimadda.


 

Xildhibaannadan ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka maqnaa fadhiyada golaha, kadib khilaaf iyo xanaaq ka dhashay doorashadii lagu doortay hoggaanka cusub ee Golaha Deegaanka Hargeysa.


 

Kulanka Wasiirka oo ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii dib loogu soo dhaweyn lahaa dhinacyada is khilaafay, loona soo afjari lahaa xanaftii ka dhalatay doorashada.


 

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii dib loogu bilaabi lahaa shaqooyinkii Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, iyadoo xildhibaannadu isku duuban yihiin si loo dardar geliyo adeegyada iyo hawlaha horumarineed ee caasimadda.

     
Loading...