hadhwanaagnews
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed-yaasiin Maxamed Faarax, ayaa sheegay in dhismaha waddada isku xidha Lowyo-caddo iyo Saylac uu yahay guul weyn oo usoo hoyatay shacabka Somaliland, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada ay waddadu marayso.
Wasiirka ayaa xusay in waddadani ahayd baahi muddo dheer ka jirtay deegaannadaasi, isla markaana shacabka ay la daalaa dhacayeen dhibaatooyin dhinaca isu socodka, gaadiidka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Axmed-yaasiin Maxamed Faarax ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay inay ilaashadaan horumarka cusub ee usoo kordhay, maadaama waddadani door weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo horumarka gobolka.
Waxa uu yidhi:
"Waddada Lowyo-caddo iyo Saylac dhismaheedu waa guul usoo hoyatay ummadda Somaliland. Waddada baahiyo badan ayaa loo qabay, dadka deegaankuna dhibaato badan ayay ku qabeen. Waxaan leenahay dadka deegaanka guushii way inoo soo dhammaatay ee hala ilaashado horumarka inoo soo kordhay.”