Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ahna Ku-simaha Madaxweynaha oo Safar Shaqo ku Tagay Berbera

Thursday February 05, 2026 - 15:26:11
HADHWANAAGNEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ahna Ku-simaha Madaxweynaha oo SafMadaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa inta uu ku suganr Shaqo ku Tagay Berbera

May be an image of one or more people


Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta safar shaqo ku gaadhay magaalada Berbera, xarunta gobolka Saaxil, isaga oo hoggaaminaya wafti ballaadhan.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa inta uu ku sugan yahay Berbera waxa uu galabta si rasmi ah u soo xidhi doonaa Tartanka Kubadda Cagta ee Koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Berbera.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna Ku-simaha Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, taas oo muujinaysa taageerada iyo wada shaqaynta bulshooyinka kala duwan.

     
Loading...