HADHWANAAGNEWS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqsi ah ugu ambabaxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Safarkan ayaa lagu sheegay mid gaar ah oo aan rasmi ahayn, inkasta oo aanu weli si faahfaahsan loo shaacin ujeeddada guud ee socdaalka.
Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka Somaliland la leh xidhiidh dhow oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo xidhiidhada caalamiga ah iyo iskaashiga dhaqaale ee Somaliland.
Waxaa la filayaa in safarkan uu keeno kulamo iyo is-xogwaraysi, inkasta oo uu yahay mid lagu tilmaamay "safar shaqsi ah.”