Madaxweynaha Qubrus oo Ka Hadlay Weerar Drone ah

Tuesday March 03, 2026 - 08:00:59
HADHWANAAGNEWS
Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in Qubrus:


Madaxweynaha Nikos Christodoulides ayaa faah-faahin ka bixiyey weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo lagu qaaday saldhig milatari oo Boqortooyada Ingiriisku ku leedahay koonfurta dalka Qubrus.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in:

 

"Diyaaradda aan duuliye lahayn ee ku dhacday saldhigga Ingiriiska waxay ahayd mid Iiraan laga leeyahay.”

 

Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in Qubrus:

 

Ay xidhiidh joogto ah la leedahay hoggaamiyeyaasha Yurub iyo dalal kale

 

Aanay doonayn inay qayb ka noqoto hawlgal milatari oo kasta

 

Weerarkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa la xidhiidha Iiraan iyo xulafadeeda. Qubrus oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku dhow gobolka Bariga Dhexe, waxay hoy u tahay saldhigyo milatari oo muhiim u ah Boqortooyada Ingiriiska.

 

Madaxweynaha Qubrus wuxuu ku adkeeyey in dalkiisu doonayo nabad iyo xasillooni, isla markaana aanu rabin in loo adeegsado goob dagaal ama hawlgal militari oo ka dhan ah dal kale.

     
Loading...