Golayaasha Baarlamaanka JSL Oo Si Buuxda Ugu Diyaar Garoobay Khudbadda Sanadlaha Ah Ee Madaxweynaha

Tuesday April 14, 2026 - 06:12:55
hadhwanaagnews
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in la sameeyay diyaargarow



Hargeysa (Hadhwanaag) – Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa shaaca ka qaaday in Golayaasha Baarlamaanka ee labada aqal ay si buuxda ugu diyaar garoobeen qabsoomidda khudbadda sanadlaha ah ee Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).


 

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in la sameeyay diyaargarow ballaadhan oo dhinacyo kala duwan leh, si loo hubiyo in munaasibaddaasi u qabsoonto si habsami leh, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka shaqeeyay abaabulka.


 

"Annaga oo ah Golayaasha Baarlamaanka labada aqal, waxa aanu ku jirnay diyaar-garow dhammaystiran oo isugu jiray qabanqaabo, habayn iyo isku-dubarid. Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa labada Xoghaye Guud iyo dhammaan shaqaalaha habeen iyo maalinba u taagnaa sidii ay u suurtogelin lahaayeen in munaasibaddu ku qabsoonto si habboon,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenku.


 

Sidoo kale, waxa uu xusay in Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka ay si buuxda ugu diyaar yihiin ka qaybgalka iyo dhagaysiga khudbadda Madaxweynaha, taas oo muhiim u ah jihaynta siyaasadda iyo qorshayaasha qaranka.


 

Ugu dambayn, waxa uu tilmaamay in munaasibaddaasi la filayo inay noqoto mid si heer sare ah u qabsoonta, iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan masuuliyiin iyo marti sharaf kala duwan.

     
Loading...