hadhwanaagnews
Muqdisho (Hadhwanaag) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi ah u dhammeystay muddo-xileedkii afarta sano ahaa ee loo doortay, iyadoo ay weli hal bil ka hadhsan tahay muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda federaalku ay hore u meelmarisay dastuur cusub oo muran badan ka taagan yahay, kaas oo muddo-xileedka hay’adaha dowladda ka dhigaya shan sano, taas oo dhalisay dood iyo kala aragti duwanaansho siyaasadeed.
Siyaasiyiinta mucaaridka, oo ay weheliyaan maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, ayaa la filayaa inay arrintan u gudbiyaan beesha caalamka, iyaga oo ku doodaya in muddo-xileedka Baarlamaanka uu si rasmi ah u dhammaaday, isla markaana doonaya in cadaadis dibadeed la saaro dowladda.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku mashquulsan qabashada doorashooyinka maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo qorshuhu yahay in haddii doorashooyin toos ah laga hirgeliyo heer gobol, loo gudbo doorasho heer federaal ah.
Mucaaridka oo hore ugu ballansanaa shirweyne isla markaana ku goodinayey inay bilaabaan doorashooyin dadban, ayaa la sheegay in dardartoodii hoos u dhacday, hase yeeshee waxa ay qorsheynayaan inay bilaabaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhaca Muqdisho, ka dibna ay shirar ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid sii murugsan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay sii xoogaystaan murannada la xidhiidha doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.