Xukuumadda Somaliland Oo Cambaaraysay Socdaalka Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Ee Laascaanood

Sunday August 02, 2026 - 17:51:27
hadhwanaagnews
Xukuumaddu waxay sheegtay in socdaalkaasi uu yahay mid sii hurinaya colaadda,

May be an image of helicopter and text that says 'S'


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tegay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid hurinaysa xiisado siyaasadeed isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, ayaa lagu sheegay in socdaalkaasi uu yahay tallaabo daandaansi ah oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Xukuumaddu waxay sheegtay in socdaalkaasi uu yahay mid sii hurinaya colaadda, khalkhal gelinayana amniga gobolka, isla markaana aanu waxba ku soo kordhinayn dadaallada lagu raadinayo nabad waarta iyo xasillooni.

 

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland u aragto socdaalkaasi inuu yahay ku xadgudub madax-bannaanideeda dhuleed iyo jiritaankeeda.

 

Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamka inay si cad uga soo horjeestaan, sida ay sheegtay, tallaabooyinka horseedaya kicinta xiisadaha, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku boorriyaan inay ka waantoowdo falalka sii hurinaya xaaladda gobolka.

 

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kale xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha ku dhisan is-ixtiraamka, hase yeeshee ay xukuumaddu adeegsan doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo qaranimo ee ay u aragto inay lagama maarmaan u yihiin difaaca madaxbannaanida, amniga iyo midnimada dhulkeeda.

     
Loading...