hadhwanaagnews
Tunis (Hadhwanaagnews.com): Xiisad ayaa ka taagan caasimadda Tunisia ee Tunis, kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin doonayay inay gaadhaan Yurub ay ku degtay badda, taas oo sababtay dhimashada tiro dad ah, oo ay ku jiraan xubno isku qoys ahaa.
Sida ay ku warantay TRT World, dibadbaxayaal cadheysan ayaa habeenimadii Axaddii waddooyinka Tunis ku gubay taayirro, isla markaana xidhay waddooyin muhiim ah. Ciidamada booliiska ayaa adeegsaday gaaska dadka ka ilmaysiiya si ay u kala eryaan mudaharaadayaasha.
Dibadbaxayaashu waxay dalbanayeen in wax laga qabto xaaladaha nololeed iyo fursadaha dhaqaale, iyagoo sheegay in shaqo la’aanta iyo rajada nololeed ee liidata ay dhalinyarada ku riixayaan inay naftooda halis geliyaan iyagoo badda u maraya Yurub.
Dhanka kale, cisbitaal ku yaalla magaalada Ben Guerdane ee koonfurta Tunisia ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey helay ugu yaraan 19 mayd oo muhaajiriin ah oo laga soo saaray badda.
Ilaa hadda lama xaqiijin in maydadkaasi ay ka mid yihiin dadkii ku dhintay doontii degtay, waxaana weli socda dadaallada lagu ogaanayo xaaladda iyo cidda ay yihiin dadka dhintay.