hadhwanaagnews

Maamulka Jubbaland ayaa si adag u cambaareeyey dagaallada iyo xiisadaha ka taagan gobolka Mudug, isagoo ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hurinayso colaado hubeysan oo ka socda deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed ay soo saartay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada, aanay habboonayn in hub iyo ciidamo loo adeegsado iska horimaadyo siyaasadeed oo gudaha ah.
Jubbaland waxay sheegtay in tallaabooyinka noocan ahi ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada, isla markaana ay dib u dhigayaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa bogaadisay shacabka iyo maamulka Puntland, iyadoo sheegtay inay difaacayeen ammaankooda iyo jiritaankooda, isla markaana ku baaqday in la joojiyo tallaabooyinka sii hurinaya xiisadaha.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo dhammaaday baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan wada hadal, xasillooni iyo mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.