hadhwanaagnews
Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid hadal Puntland ay ku sheegtay in ay jiraan dad badan oo ka tirsan bulshada Puntland oo doonaya inay ka madax-bannaanaadaan Soomaaliya inteeda kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, oo sidoo kale laga soo doorto Garoowe, ayaa sheegay in Puntland lagu dhisay mabda’a Soomaalinimada, midnimada qaranka iyo ilaalinta wadajirka Soomaaliya.
"Puntland waxaa lagu dhisay tiirarka ah Soomaalinimo, midnimo qaran iyo ilaalinta wadajirka dalkeenna Soomaaliya. Reer Puntland taariikh ahaan door weyn ayay ku lahaayeen dhismaha iyo difaaca qaranimada dalka,” ayuu yidhi Wasiir Xoosh.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aan dan siyaasadeed oo ku-meel-gaar ah lagu beddeli karin mabaadi’da uu ku tilmaamay tiirarka aasaasiga ah ee Puntland, isaga oo ka digay in arrimaha siyaasadeed lagu carqaladeeyo midnimada dalka.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid kadib warqad ay Puntland u dirtay Qaramada Midoobay, taas oo maamulka Puntland ku sheegay in ay jiraan cadaadis iyo dareen ka dhex jira qaybo ka mid ah bulshada oo taageeraya madax-bannaani buuxda oo ka timaadda Muqdisho. Warbixinno laga helay warqadda ayaa sidoo kale muujinaya in Puntland ay Qaramada Midoobay ka codsatay in si toos ah loola macaamilo dowlad-goboleedyada iyo in la taageero wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Warqadda Puntland ayaa dhalisay hadal-heyn siyaasadeed oo cusub, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ay arrinta ku macneeyeen cadaadis ka imanaya Dowladda Federaalka, halka dowladda federaalkuna ay adkaynayso midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Dowladda Federaalka waxay si rasmi ah u sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Si kastaba, warqadda Puntland lafteeda si cad uguma dhawaaqin in maamulka Puntland uu go’aansaday inuu Soomaaliya ka go’o; warbixinno ku saabsan qoraalka ayaa tilmaamaya in Puntland ay weli ku xustay federaalka Soomaaliya iyo xal siyaasadeed oo lagu heshiiyo.