hadhwanaagnews
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ka hadlay hadal uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, isaga oo ku tilmaamay mid sax ah oo ka tarjumaya xaqiiqada.
Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid uu odhan lahaa qof kasta oo caqli leh oo si daacad ah uga hadlaya arrinta laga hadlayo.
"Madaxweynaha Maraykanku hadalka uu yidhi waa xaqiiqo sax ah, waana hadal qof kasta oo caqli leh oo run ka sheegaya waxa uu ka hadlayo uu odhan lahaa,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Waxa uu intaa ku daray in Maraykanku yahay dal weyn oo, sida uu sheegay, go’aamadiisa ku saleeya xaqiiqada, isla markaana aan ahayn dowlad ku shaqaysa danaha cid kale.
"Maraykanku waa dowlad weyn oo waxeedu ku dhisan yahay xaqiiq, mana aha dowlad dano cid kale eegta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.