Hay'adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland oo Shaacisay 768 Boos Shaqo oo Loo Tartamayo

Saturday September 05, 2026 - 13:52:30
hadhwanaagnews
Hay'addu waxay sheegtay in qof kasta oo doonaya inuu u tartamo



Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa shaacisay 768 boos oo shaqo oo ka bannaan hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda, gaar ahaan jagooyinka ku jira darajooyinka A iyo B, kuwaas oo loo marayo nidaam tartan ah.

 

Hay’addu waxay sheegtay in qof kasta oo doonaya inuu u tartamo boosaskaasi looga baahan yahay inuu buuxiyo shuruudaha lagu dhawaaqay, iyadoo shuruudaha ugu waaweyn ay ka mid yihiin inuu yahay muwaadin reer Somaliland ah, isla markaana uu haysto shahaado dugsi sare, farsamada gacanta ama jaamacad.

 

Sidoo kale, musharraxiinta ayaa looga baahan yahay inay leeyihiin khibrad shaqo oo u dhaxaysa 2 ilaa 3 sano, iyadoo shuruudaha gaarka ah ay ku kala duwanaan karaan hadba nooca iyo heerka shaqada uu qofku u tartamayo.

 

Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa tilmaantay in boosaskan ay yihiin kuwo si tartan iyo nidaam ah loo buuxinayo, taas oo fursad u siinaysa dadka buuxiya shuruudaha inay u tartamaan jagooyinka ka bannaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

 

Tirada 768-ka boos ayaa qayb ka ah shaqaalaha cusub ee dowladda Somaliland qaadanayso, gaar ahaan jagooyinka darajooyinka A iyo B, iyadoo musharraxiinta laga doonayo inay si taxaddar leh u hubiyaan shuruudaha iyo habka loo marayo codsiga shaqooyinka.

     
Loading...