hadhwanaagnews
Boosaaso – Xukuumadda Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegtay xerada ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, kaddib markii ciidamada halkaas ku sugnaa, oo dhawaan ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dib ugu soo laabteen maamulka Puntland.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in saraakiil ka tirsanaa xeradaas oo hore uga baxay magaalada Qardho ay gaadheen maamulka Waqooyi Bari.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku sugnaa xerada Barda-dheere ee Gaalkacyo ay u guureen deegaannada maamulka Galmudug.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa 24 saacadood kadib markii Puntland ay dagaal kula wareegtay xerada PSF ee Gaalkacyo, isla markaana ay muddo 48 saacadood ah u qabatay ciidamada kale ee sheegta inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka inay isa soo dhiibaan oo hubkooda ku wareejiyaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weli ay socdaan wada-hadallo iyo dadaallo ay wadaan odayaasha dhaqanka si ciidamo ku biiray Dowladda Federaalka dib loogu soo celiyo Puntland.
Sidoo kale, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in tallaabooyinkan ay xoojinayaan awoodda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni gudaha Puntland, isla markaana ay yareyn karaan caqabadihii siyaasadeed ee gudaha ka jiray, xilli ay soo dhowdahay doorashada Federaalka Soomaaliya.