hadhwanaagnews
Dowladda Eritrea ayaa Itoobiya ku eedaysay inay xasillooni-darro ka abuurayso Geeska Afrika, isla markaana ay taageero siiso Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF), taas oo sii kordhinaysa xiisadda u dhaxaysa labada dal ee deriska ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa, sida ay Al Jazeera werisay, Itoobiya ku eedaysay inay waddo siyaasado sii noqonaya kuwo colaadeed, isla markaana ay taageerto kooxo hubaysan oo ay Asmara sheegtay inay doonayaan inay wiiqaan dowladda Eritrea.
Asmara ayaa sidoo kale Xisbiga Barwaaqada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku eedaysay inuu qayb ka yahay xasillooni-darrada gobolka, iyadoo sheegtay in Itoobiya ay martigelisay, tababartay oo maalgelisay kooxo ka soo horjeeda Eritrea.
Dowladda Eritrea waxay intaa ku dartay eedayn ah in Itoobiya tan iyo markii uu dagaalka Suudaan billowday sannadkii 2023 ay martigelisay, taageertay isla markaana dhiirrigelisay Ciidamada RSF. Itoobiya ayaan weli si degdeg ah uga jawaabin eedeymahan, kuwaas oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Xiisadda Itoobiya Iyo Eritrea Oo Sii Kordhaysa
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara uu sii xumaanayo, iyadoo labada dowladood ay si isa soo taraysa isugu jeedinayaan eedeymo la xidhiidha amniga, kooxaha hubaysan iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee gobolka.
Itoobiya ayaa hore Eritrea ugu eedaysay inay taageerto kooxo hubaysan oo ka hawlgala Tigray iyo Amhara, eedeymahaas oo ay Asmara diidday. Addis Ababa ayaa sidoo kale walaac ka muujisay joogitaanka ciidamada Eritrea iyo dadaallada Itoobiya ugu jirto inay hesho marin ay ku gaadho Badda Cas.
Xiisadda ayaa sii xoogaysatay bishii Febraayo, markii Itoobiya ay Eritrea ugu baaqday inay ciidamadeeda kala baxdo dhul ay Addis Ababa u aragto inuu ka tirsan yahay Itoobiya, halka Eritrea ay beenisay eedeymahaas.
Labada dal ayaa leh taariikh dheer oo colaadeed. Eritrea waxay Itoobiya ka madax-bannaanayd sannadkii 1993 kadib halgan hubaysan oo muddo tobannaan sano ah socday, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xuduudeed intii u dhaxaysay 1998 iyo 2000, kaas oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, kadibna waxaa muddo dheer xumaaday xidhiidhkooda diblomaasiyadeed.
Eedeymahan cusub ayaa dib u soo nooleeyey walaaca laga qabo loollanka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea iyo saamaynta ay xiisaddoodu ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.