hadhwanaagnews
New York — Isu-soo bax ballaaran oo ay ka qaybqaadanayaan shacabka iyo jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Maraykanka iyo Canada ayaa ka socda afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, iyadoo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti uu hoggaaminayo ay qayb ka yihiin munaasabadda.
Dadka isu soo baxay ayaa sita calanka Somaliland, iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan qaddiyadda Somaliland iyo doonista aqoonsi caalami ah. Isu-soo-baxan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda iyo wufuudda dalalka dunidu ay magaalada New York u joogaan ka qaybgalka shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Maraykanka iyo Canada ayaa munaasabaddan u adeegsanaya sidii ay codkooda uga dhex muujin lahaayeen fagaaraha caalamiga ah, iyaga oo gudbinaya farriimo ay ku tilmaamayaan kuwo ku saabsan nabadda, dimuqraadiyadda iyo rabitaanka shacabka Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa intii uu ku sugnaa Maraykanka hore magaalada Washington kula kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Ameerika, isaga oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda.
Farriinta ay xambaarsan yihiin dadka isu soo baxay ayaa ku wajahan madaxda iyo wufuudda caalamka ee ku sugan New York, iyadoo ujeeddadu tahay in indhaha caalamka lagu soo jeediyo qaddiyadda Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah.
Munaasabadda ayaa lagu qabanayaa Dag Hammarskjöld Plaza, oo ku taalla afaafka hore ee xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo ay isugu yimaadeen taageerayaal ka kala yimid qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somaliland ee Waqooyiga Ameerika.