Wasiirka Beeraha: "Xukuumaddu Si Buuxda Ayay u Garab Taagan Tahay Beeralayda"

Monday March 30, 2026 - 16:30:59
HADHWANAAGNEWS
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa sheegay in xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay si buuxda u taageersan tahay beeralayda iyo cid kasta oo ka shaqaynaysa wax-soo-saarka dalka.


 

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in Wasaaradda Beeruhu ay waajib ka saaran tahay dhiirrigelinta iyo soo dhawaynta maalgashiga beeraha, gaar ahaan dadka ku hawlan kordhinta wax-soo-saarka, isagoo tilmaamay in beeralaydu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.


 

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:


"Annagu waa dhiirrigelinaynaa ciddii wax-soo-saar samaynaysa, Wasaaradda Beerahana waa waajibaadkeeda inaan soo dhaweyno ciddii horumar wadda. Haddii dhibaato ku dhacdo beeralayda, haddii aan waxba u qaban kari wayno, inaan la dareeno oo goobaha ay joogaan ugu tagno waa mid meesha ku jirta si aan u tusno inay naga tirsan yihiin.”


 

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in haddii ay beeralaydu la kulmaan caqabado, xukuumaddu ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqayso oo ay garab istaagto, taas oo muujinaysa muhiimadda ay beeralaydu u leeyihiin qaranka.


 

Ugu dambayn, waxa uu tilmaamay in dadaalladan ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xaqiijinayo isku-filnaansho cunto iyo koboc dhaqaale oo waara, iyadoo aan la dayici doonin beeralayda dalka.

     
Loading...