Tallaabada 1: Dejinta Heshiis Dib-u-Habeyn iyo Qayaxitaan (Clarification Agreement)
waana fursad Somaliland iyo Itoobiya ay uga dhigi karaan xidhiidhkooda mid faa’iido u leh labada dhinac iyo deegaanka oo dhan.
qorshe talaabo
-talaabo ah (Roadmap) oo Somaliland iyo Itoobiya ku heshiin karaan si loo xoojiyo iskaashiga, loo hirgeliyo heshiiskii MOU-ga si hufan, loona yareeyo cadaadiska siyaasadeed ee ka imanaya dalalka kale.
QORSHE TALAABO TALAABO AH OO HESHIIS LAGU XOOJIN KARO ISKAASHIGA SOMALILAND & ETHIOPIA
Tallaabada 1: Dejinta Heshiis Dib-u-Habeyn iyo Qayaxitaan (Clarification Agreement)
Ujeeddo: In labada dal ay caddeeyaan qodobada MOU-gii Janaayo 2024 si rasmi ah.
Waxa la sameynayo:
In la sameeyo Guddiyo farsamo oo wadajir ah (Joint Technical Committees) oo ka kooban saraakiil, qareeno ku takhasusay heshiisyada dekedaha caalamiga ah iyo khubaro caalamiya oo ku lugleh heshiisyada dalalka.
In lagu qayaxo:
Suurta gal maaha in 20 km la sheegay la siiyo dalka Ethiopia — sharci ahaan, juqraafi ahaan.
Xuquuqda Somaliland ee madaxbannaanida dhulka iyo biyaha.
Xuquuqda Itoobiya ee isticmaalka dekedda iyo maalgelinta.
In la saxiixo Addis Ababa Protocol 2025 heshiis rasmi ah oo beddelaya MOU-gii hore,
si looga fogaado mugdi siyaasadeed.
Tallaabada 2: Iskaashi Dhaqaale iyo Maalgashi (Economic Cooperation Pact)
Ujeeddo: In la abuuro xidhiidh dhaqaale oo dhab ah oo labada dal wada faa’iidayaan.
Waxa la sameynayo:
Dekedda Berbera ama Dejed Cusub;
Itoobiya ha hesho saamiyo ganacsi (non
-sovereign) oo ku saabsan qaybaha logistik-ka, bakhaarada, iyo gaadiidka.
Somalilandna ha hesho lacag gelin iyo shaqo abuur ka imanaya Itoobiya iyo DP World.
Berbera Corridor Authority ha la dhiso — si ay u maamusho wadada Berbera
Tog Wajaale
–Addis Ababa oo hal maamul iskaashi ah.
Hadii lagu heshiiyo in Deked kale la sameeyo ay gacanta Somaliland ku jirto oo dalka Ethiopia iyo fanacsigooda u gaar ah .
In la qorsheeyo Suuq-ganacsi xor ah (Free Trade Zone) oo laga hirgeliyo Berbera ama Dekeda cusub
ama Wajaale, halkaas oo ganacsatada labada dal ay canshuur la’aan ku ganacsan karaan.
Tallaabada 3: Iskaashi Amni iyo Sirdoon (Security & Intelligence Cooperation)
Ujeeddo: In labada dal iska kaashadaan amniga gobolka.
Waxa la sameynayo:
In la dhiso Somaliland--Ethiopia Joint Security Taskforce oo la dagaalama argagixisada, tahriibka, iyo ka-ganacsiga hubka.
In Itoobiya ka taageerto Somaliland qalab iyo tababar ciidan -iyadoo aan ku xadgudbin madax-bannaanida dalka Somaliland.
In labada dhinac ay wadaagaan xogta la xidhiidha Al-Shabaab, ONLF, iyo kooxaha xuduudaha ka shaqeeya.
Tallaabada 4: Xidhiidh Diblomaasi iyo Aqoonsi Toos ah ( Recognition & Diplomatic )
Ujeeddo: In Itoobiya si Toos ah u aqoonsato Somaliland
Waxa la sameynayo:
1. In Itoobiya furto aafaarad diblomaasi rasmi ah (Embassy ) Hargeysa.
2. In Somalilandna furto safaarad iyo xafiis ganacsi iyo amni Addis Ababa.
3. In lagu qanciyo IGAD & AU aqoonsiga iyo ictiraafka Somaliland.
Tallaabada 5: Ka-Qaybgal Gobolka iyo Caalamka (Regional & International Engagement)
Ujeeddo: In heshiiska loo soo bandhigo si furfuran oo hufan
si looga hortago cabsida dalalka kale.
Waxa la sameynayo:
In la casuumo IGAD, AU, iyo UN inay kormeeraan heshiiska si ay u arkaan in aanu khatar ku ahayn xasilloonida.
In la sameeyo summit saddex
-geesood ah (Somaliland–Ethiopia–UAE) si looga wada hadlo mashruuca dekedda iyo maalgashiga dekeda cusub.
In la abuuro Guddiga saaxiibtinimada Geeska Afrika oo ay xubno ka yihiin kenya iyo saaxiibada Somaliland si ay u wadaagaan danaha ganacsi iyo nabadgelyo.
Tallaabada 6: La-Hawlgalka Bulshada & Horumarinta Dadka (People-to-People Cooperation)
Ujeeddo: In shacabka labada dhinac ay ka faa’iidayaan, si aanay u noqon heshiis kaliya (saraakiil).
Waxa la sameynayo:
Barnaamijyo is-dhaafsi arday, dhaqanka, iyo caafimaad.
Ganacsatada yaryar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.
Iskaashi ku saabsan tamarta, biyaha,
iyo degaanka
-tusaale: mashruuca biyaha Wajaale iyo korontada la wadaago.
Tallaabada 7: Habraac Kormeer iyo Qiimayn (Monitoring & Review Mechanism)
Ujeeddo:
In heshiisyadu noqdaan kuwo la fuliyo oo la qiimeeyo.
Waxa la sameynayo:
In la dhiso Joint Implementation Committee (JIC) oo bishiiba mar kulanta.
In la sameeyo warbixin sanadle ah (Annual Report)
oo lagu faahfaahinayo halka uu marayo iskaashigu.
In la siiyo xaquuq kormeer ururada caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo amniga (World Bank, UNDP, AU Peace Dept).
Gunaanad & Faa’iidooyinka la filan karo:
1. Somaliland waxay kasban doontaa sharciyad, maalgelin, iyo sumcad caalami ah.
2. Ethiopia waxay heli doontaa marin badeed oo ammaan ah iyo saaxiib istiraatiiji ah.
3. Geeska Afrika wuxuu yeelan doonaa xasilooni iyo ganacsi wada-furan.
4. UAE iyo DP World waxay sii adkeyn doonaan doorkooda maalgashi.
5. Somalia iyo Djibouti waxay colaad ka sii wadi doonaan halkii hore iyo mid ka soo xun .
6. Laakiin Somaliland waxba ma yeeli doonaan oo way ku fashilmi doonaan. somaliya oo caalamku u arko in uu yahay dal fashilmay .
7- Somaliland waxay heli ictiraaf iyo aqoonsi oo ay ka heli doontaa dalka Ethiopia iyo saaxiibada u diyaarka ah in ay aqoonsadaan Somaliland oo uu dalalka US ka mid yahay .
Diraasad:
Cali Biixi