Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo taariikhi ah, isaga oo wareegto rasmiya si buuda dib ugu soo celiyay awooddii Guddida Qandaraasyada Qaranka. Go’aankan oo soo baxay 10-kii bishan August 2025, ayaa faraya in dhammaan mashaariicaha horumarineed ee laga maalgeliyo miisaaniyadda qaranka, daymaha, ama deeqaha caalamiga ah, lagu fuliyo hannaan si waafaqsan hab-raacyada Xeerka Qandaraasyada Qaranka (Xeer Lr. 82/2018).
Tallaabadan ayaa si rasmi ah u jidaynaysa in hay’adaha dowladda oo dhan ay waajib ku tahay adeegsiga hab-raacyada qaran, marka ay maareynayaan qandaraasyada, iyadoo meesha ka saaraysa jahawareerkii hore iyo hannaankii loo adeegsanjiray fulinta mashaariicda. Waa go’aan geesinimo siyaasadeed leh oo muujinaya in Madaxweyne Cirro ay si dhab ah uga go’an yahay dowladnimo sharci ku dhisan iyo isla xisaabtan dhab ah.
Wareegtadani maaha oo keliya mid ku saabsan maamulka qandaraasyada, balse waa mid ka xeel dheer oo ku qotonta siyaasad qaran oo Jamhuuriyadda Somaliland loogu jihaynayo dhabbaha maamul wanaagga iyo hufnaanta dowladeed. Waa go’aan xoojinaya mabda’a ah sharcigu ha taliyo, islamarkaana soo afjaraya habacsanaan ballaadhan oo muddo dheer ka jirtay nidaamka maamulka qandaraasyada mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyo deeqaha dibadeed ama miisaaniyadda qaranka.
Ujeeddada madaxweynaha JSL ee ka dambaysa go’aankani waa aragti hoggaamineed oo lagu dhisayo hay’ado qaran oo leh awood dhab ah, kuwaas oo aan ku tiirsanaan doonin oggolaansho siyaasadeed ama cadaadis dibadeed. Madaxweyne Cirro wuxuu si cad u muujiyay in Somaliland aanay u baahnayn hannaan guracan oo ay ragaadiyaan caqabado iyo turunturooyin siyaasadeed, balse ay u baahan tahay nidaam sharciyaysan oo qaran oo lagu kalsoonaan karo.
Madaxweyne Cirro wuxuu muujiyay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay ku dhaqanka xeerarka qaranka, isla markaana ay xukuumaddiisa ka reeban tahay ku dhaqanka hannaan aan la isla ogolayn oo marar badan la jaanqaadi waayay nidaamyada maxalliga ah. Wuxuu xoojiyay doorka Guddida Qandaraasyada Qaranka oo noqon doonta halbeegka maamulka hufan iyo daahfurnaanta mashruucyada waaweyn ee caalamiga ah. Waa isbeddel istiraatiiji ah oo tilmaamaya jihada cusub ee hoggaamintiisa: dawladnimo sharciyaysan, maamul daah-furan, iyo madax-bannaani go’aan qaadasho.
Go’aankani wuxuu si cad u muujinayaa in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay si buuxda ula dagaalanto nidaamyada gurrac ee fursad siinkara musuqmaasuqa iyo maamul-xumida. Wuxuu xoojinayaa doorka hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta, wuxuu fure u noqonayaa nidaam cad oo lagu hago mashaariicda horumarineed si ay u gaadhaan bulshada si siman oo caddaalad ah. Waa bayaan siyaasadeed oo caalamka tusaya in Somaliland diyaar u tahay in lagu kalsoonaado, in deeqaha caalamiga ah si mas’uuliyad leh loo maareeyo, iyo in maamulka dhaqaalaha lagu saleeyo isla xisaabtan dhab ah.
Waa fariin siyaasadeed oo muujinaysa in Somaliland diyaar u tahay hirgelinta nidaam hufan oo lagu maamulo kheyraadka qaranka si cadaalad iyo mas’uuliyad leh.
Waxtarka Go’aanka Madaxweynaha
Sharci-adag iyo nidaam mideysan: Waa tallaabo muujinaysa nidaam sharcdi oo adag iyo nidaam midaysan, kaas oo horseed u ah in dhammaan mashaariicda horumarineed lagu maamulo hal xeer oo qaran, iyadoo la joojinayo leexasho iyo nidaamyo is-khilaafsan.
Hufnaan iyo isla xisaabtan: Mashruuc kasta waxaa lagu maamuli doonaa si cad oo lala xisaabtami karo, iyadoo meesha laga saarayo madmadow iyo musuqmaasuq.
Madax-bannaani dowladeed: Somaliland waxay muujinaysaa in kheyraadkeeda iyo iskaashigeeda caalamiga ah lagu hagayo sharci qaran, halkii laga raaci lahaa shuruudo shisheeye.
Kalsooni gudaha iyo dibadda: Shacabka iyo deeq-bixiyeyaashu waxay helayaan nidaam lagu kalsoonaan karo, taas oo sare u qaadaysa sumcadda Somaliland ee caalamka.
Go’aankani waa jidka lagu sugayo dowladnimo sharciyaysan, hufan, iyo isla xisaabtan dhab ah, isagoo dhisaya kalsooni gudaha iyo tixgelin dibadeed.
Digniin Diblomaasi iyo Himilo Dowladnimo:
Go’aankan wuxuu farriin adag u dirayaa hay’adaha fulinta iyo deeq-bixiyeyaasha: taas oo si cad u muujinaysa in sharcigu yahay mid aan la dhaafi karin, isla markaana aanu cadaadis dibadeedna noqon karin sabab looga leexdo nidaamka qaran. Somaliland waxay muujisay in dawladnimadeedu ku dhisan tahay sharci iyo awood hay’adeed, ee aanay ku tiirsanayn oggolaansho shakhsi ama marinno kale oo siyaasadeed.
Tallaabo Dhisaysa Haybadda Qaranka
Go’aankan waa bilow cusub oo meesha ka saaraya musuqmaasuq iyo maamul-xumo, isaga oo Somaliland u jiheynaya dowladnimo casri ah oo sharci ku dhisan. Waa tusaale muujinaya in ballanqaadkii siyaasadeed loo rogay waxqabad dhab ah, qorsheynta loo beddelay hirgelin, isla xisaabtanna loo dhigay tiir dowladnimo.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdo Axmed Aayir, ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aankani kor u qaadayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday jihada saxda ah, si loo sugo nidaamka maareynta maaliyadda dadweynaha, loona dhiso kalsooni ku dhisan sharci iyo nidaam.
Gabagabo
Wareegtada Madaxweyne Cirro maaha oo keliya amar fulineed; waa aragti hoggaamineed oo ku dhisan sharci, hufnaan iyo mas’uuliyad. Waa jiho cusub oo Somaliland u qaaday dhabbaha dawladnimo sharciyaysan iyo kalsooni caalami ah.
Waa bilow cusub oo lagu dhisayo nidaam dawladnimo oo leh milgo qaran iyo kalsooni caalami ah. Waa tallaabo aan si gaar ah muhiim ugu ahayn Somaliland oo keliya, balse tusaale u noqon karta dalal kale oo doonaya in deeqaha dibadda loo adeegsado si sharciyaysan oo hufan, halkii ay noqon lahaayeen marin looga leexdo hay’adaha dawliga ah. Waa dhabbaha saxda ah ee lagu gaadhi karo kalsooni gudaha iyo sharaf caalami ah.