Somaliland Waa Tusaale Lagu Daydo" Masuul sare oo ka Tirsan Midawga Yurub

Monday October 06, 2025 - 10:48:00
hadhwanaagnews
Mr. Cools oo waraysi gaar ah siiyey shabakaddaThe Advocate Post, ayaa S...



Madaxa Golaha Midowga Yurub u qaabilsan Goleyaasha Deegaanka iyo Gobollada Mr Marc Cools,, ayaa si weyn u ammaanay xasilloonida, hannaanka dawladnimo iyo dimuqraadiyadda ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay sida ay Somaliland ugu guulaysatay inay dhisto nidaam sal adag ku taagan, iyada oo aan taageero toos ah ka helin beesha caalamka.

Mr. Cools oo waraysi gaar ah siiyey shabakaddaThe Advocate Post, ayaa Somaliland ku tilmaamay in ay tahay tusaalaha ifaya ee xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay muujisay awood siyaasadeed oo ay kaga duwan tahay dalal badan oo gobolka ku yaal, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay in ay weli ku jirto qalalaase siyaasadeed, islamarkaana la tacaalaysa khataro ay ka mid yihiin argagixisada.

"Somaliland waxay dhistay xasillooni iyohannaan doorasho oo shaqeynaya,iyadoo aan helintaageeroshisheeye. Waa waddan ay dadkiisu si dhab ah ugu tashadeen masiirkooda, taasina waa mid mudan in laga bartocashar,”ayuu yidhi Marc Cools.

Mas’uulkan ka tirsan Midowga Yurub waxa uu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay markhaati nool oo muuqda ay u tahay dalalka mandaqada, iyada oo muujisay sida nabad iyo dimuqraadiyad looga hirgelin karo Geeska Afrika, hadii ay jirto rabitaan siyaasadeed, hogaamin mas’uul ah, iyo ka go’naansho qaranimo.

"Waa dalka kaliya ee gobolka ah ee si nabad ah xilalka loogu kala wareego, doorashooyin xor ahna la qabto. Somaliland waxay leedahay nidaam dowladeed oo la taaban karo oo sharciyaddiisu ka timaaddo shacabka,”ayuu intaas sii raaciyay.

Cools wuxuu xusay in xasilloonida Geeska Afrika, gaar ahaan degaannada istiraatiijiga ah sida marin-biyoodka Bab al-Mandab, ay si toos ah u saameeyaan amniga iyo dhaqaalaha Qaaradda Yurub. Sidaa darteed, wuxuu soo jeediyay in Midowga Yurub uu sii xoojiyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka xasilloon sida Somaliland, Ethiopia, Kenya, Imaaraadka Carabta, iyo Maraykanka.

Marc Cools waxa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhab ah u qiimeeyaan sida Somaliland ay ugu guulaysatay dhismaha dawladnimada, una tixgeliyaan doorka ay ka ciyaari karto xasilloonida gobolka. Waxa uu xusay in muhiim ay tahay in aan la iska indhatirin jiritaanka Somaliland iyo sida ay uga duwan tahay dalal kale oo aan weli ka bixin marxalado amni darro iyo burbur.

Hadallada Marc Cools waxa uu si dhab ah u caddaynayaa tixgelinta dheeraadka ah ee ay beesha caalamka u hayso Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo caddayn u ah in Somaliland kasbatay ixtiraam dheeraad ah oo caalami ah

 

     
Loading...