hadhwanaagnews
Warbaahinta caalamiga ah ee Allafrica ayaa sheegtay in hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee International Air Transport Association (IATA), iyo shirkado duulimaad oo waaweyn ay si rasmi ah u aqoonsadeen nidaamka socdaalka iyo fiisaha Somaliland, shirkadahaasi oo ay ka mid yihiin FlyDubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo cusbooneysiiyay tilmaamahooda socdaalka, isla markaana si cad u xaqiijiyay in rakaabka iyo macaamiishooda u socda Somaliland ay fiisaha ku heli karaan (visa-on-arrival) marka ay gaadhaan Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport (HGA) iyo madaarka Berbera.
Go’aanka Hay’adda duulimaadyada International Air Transport Association (IATA) oo ah shirkad caalami ah oo ay ku midaysan yihiin in ka badan 350 shirkadood oo ah kuwa diyaaradaha, isla markaana ka shaqeeya in ka badan boqolkiiba siddeetan (%80) duulimaadyada adduunka, ayaa ah guul weyn oo ay gaadhay Somaland, maadaama loo hogaansamay habraaceeda socdaalka, sidoo kalena waxay muujinaysaa in Somaliland ay si madax-bannaan u maarayso arrimaheeda duulimaadka iyo hawada.
Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in go’aanka hay’adda IATA iyo tallaabada ay qaadeen shirkadaha waaweyn ee duulimaadyadu ay soo baxeen iyada oo dowladda Maraykanku ay soo saartay digniin amni oo degdeg ah, isla markaana ay Washington xaqiijiysay in la Jabsaday nidaamkii E-Visa-ha ee dawladda Muqdisho.
"Hay’adda duulimaadyada ee International Air Transport Association (IATA) ayaa dib u hagaajisay xogteeda caalamiga ah ee socdaalka, waxayna shaacisay in fiisaha Somaliland lagu helayo nidaamka loo yaqaano (visa-on-arrival). Warbixinta IATA waxay Somaliland si cad uga soocaysaa nidaamka fiisaha ee Soomaaliya. Sidoo kale Ogeysiiska IATA waxa uu magaca magaalada Hargeysa ku daray liis uu taxay, kaas oo tilmaamaya inay tahay goob rakaabku ku qaadan karaan fiisaha marka ay soo degaan,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay daabacday Warbaahinta Allafrica.
Sidoo kale warbixintan ayaa lagu yidhi "Wax yar kadib ogaysiiska IATA, shirkadaha FlyDubai waxay iyaduna cusbooneysiiyay warbixinaheeda socdaalka, waxaanay xaqiijisay in dadka u socda Somaliland ay fiisaha ka qaadan karaan madaarada Hargeysa iyo Berbera labadaba. Shirkaddu waxay si cad u kala saartay nidaamka socdaalka Somaliland iyo nidaamka e-Visa ee Soomaaliya.”
Allafrica waxa ay intaasi ku dartay in shirkadda Ethiopian Airlines ay sidoo kale soo saartay qoraal cusub oo qeexaya in nidaamka e-Visaha Soomaaliya aanu khuseyn rakaabka u safraya Somaliland, waxaana lagu yidhi warbixinta "Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegayso in shuruudaha e-Visa ee Soomaaliya aanay khusaynin rakaabka ku socda Somaliland iyo madaaradda Hargeysa (HGA) ama Berbera (BBO). Waxay intaas ku dareen in rakaabka Somaliland tegaya ay si toos ah fiisaha ugu heli karaan garoomadaas, taasoo adkeynaysa in ay Somaliland si madax-bannaan u maamusho hawadeeda, xuduudaheeda iyo waliba arrimaha socdaalka.”
Sidoo kale warbixintan waxa lagu sheegay in safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay xaqiijisay in nidaamka e-Visa-ha ee Soomaaliya la jabsaday, taas oo ku soo beegantay xilli ay shirkadahan duulimaadku cusbooneysiiyeen tilmaamahooda. Safaaraddu waxay sheegtay in arrintaasi ay keentay in xogta ugu yaraan 35,000 qof oo ay ku jiraan kumannaan muwaadiniin Maraykan ah in la soo xaday. Waxaana lagu yidhi "Xogta la daabacay waxaa ka mid ah magacyada, sawirrada baasaboorrada, taariikhda iyo goobaha dhalashada, xaalada guurka, ciwaanada email-ka iyo ciwaanada guryaha. Dowladda Maraykanka waxay ku boorisay muwaadiniinteeda adeegsaday e-Visa-ha Soomaaliya inay la xidhiidhaan safaaradda ugu dhow isla markaana ay feejignaadaan.”
Cusbooneysiinta ay sameeyeen IATA, FlyDubai iyo Ethiopian Airlineswaxay mar kale muujisay xaqiiq muddo dheer jirtay. Kaas oo si cad u iftiiminaya in JamhuuriyaddaSomaliland ay leedahay nidaam socdaal, xuduudo iyo garoomo diyaaradeed oo si buuxda u madax-bannaan.
Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay "Somaliland waxay muddo sannado ah caan ku ahaydxasillooni,nidaam amni oo la isku halayn karo, iyo nidaamka bixinta fiisaha oola siiyo dadka imanaya Hargeysa iyo Berberamarka ay soo degaan. Tallaabooyinka ay qaadeen shirkadaha duulimaadyada ayaa si cad u muujinaya in nidaamkan madax-bannaan uu si rasmi ah u shaqeynayo, isla markaana la aqoonsan yahay.”
Sidoo kale warbixinta Allafrica waxa ay intaasi ku dartay "Dhacdadiijabsiga ee ku dhacay nidaamka e-Visa ee Soomaaliyawaxay si cad u iftiimisay farqiga u dhexeeya labada dhinac. Waxay si dhab ah u iftiimisay tamar-darro ku saabsan nidaamka amniga ee Muqdisho, halka Somaliland ay weli ku shaqeyneyso nidaam ay iyadu gacanta ku hayso oo ammaan badan.”
"Somaliland waxaa si ficil ah loogu tixgeliyaa inay tahay dal madax-bannaan oo leh nidaam socdaal oo ammaan ah, xasiloon oo la isku halayn karo.Shirkadaha duulimaadyadu waxay si toos ah u tilmaamayaan in rakaabku ay raacaan shuruucda Somaliland, halkii ay ka raaci lahaayeen kuwa Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi warbixinta, waxaanay intaasi raacisay "Ugu dambayn, sida xaaladdu hadda tahay, Somaliland waxay ka helaysaa nidaamka caalamiga ah ee duulista hawadaaqoonsi ficil ah (de facto recognition)oo muujinaya madax-bannaanideeda ku aaddan maamulka socdaalka iyo amniga garoomadeeda.”