hadhwanaagnews
Kulankii muhiimka ahaa ee dhexmaray Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL Admiral Axmed Hure Haariye iyo ku xigeenka wakiilka xafiiska ciidanka Ingriiska ee Nairobi (Deputy defence attache Mr james tait) ayaa ahaa mid istaraatiiji ah oo markale dunida u iftiimiyey kaalinta muuqata ee Somaliland kaga jirto amniga Geeska Afrika iyo badaha caalamiga ah.
Taliyaha wuxuu martiqaad rasmi ah ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Xafiiska Ciidanka Ingiriiska ee Nairobi, Mr. James Tait, oo ay wehelinaysay Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa Mrs. Caitlin. Kulankan heerka sare ah waxa lagu falanqeeyey sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga, wadashaqaynta iyo tababarada u dhexeeya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga badaha, la-dagaalanka tahriibka, iyo ilaalinta khayraadka badda.
Wafdiga Ingiriiska ayaa si cad u muujiyey qadarin iyo mahadnaq ay u hayaan doorka Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ee ilaalinta xeebaha, nabadgelyada marin-biyoodka muhiimka ah, iyo sida nidaamsan ee ay uga shaqeeyaan badbaadada muwaadiniinta iyo deegaanka. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in Ingiriisku sii wadi doono taageeradiisa dhinaca Tababarrada casri ah oo la xidhiidha hawlaha amniga xeebaha, aqoonta iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada iyo Kaabista iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.
Kulanka waxa Taliyaha ku wehelinayey Abaanduulaha 1-aad ee ciidanka Ilaalada Xeebaha Col. Khadar Maxamed Aw Ciise, Abaanduulaha 2-aad Col. Cali Xasan, iyo Hogaanka Hawlgalinta Col. Cabdiraxmaan Nuur Col-haye. Somaliland waxay marar badan caddeysay in amnigeedu yahay mid ay iyadu u madax bannaan tahay oo ku dhisan hawlkarnimo, kalsooni iyo nidaam. Iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah sida Ingiriiska waxa uu markhaati u yahay in Jamhuuriyadda Somaliland ay kasbatay ixtiraam iyo taageero dhaqan-gashay.